BALIGUBADLE MEDIA
Waa Sidee Xaaladda Maanta Ee Deegaanka Tuka-raq Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
May 26, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya deegaanka Tuke-raq ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degantahay kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo halkaasi ka socday muddo todobaadyo ah.

news1
Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Ciidamo gaadhaya 120 askari oo ka soo goostay maamul gobolleedka Puntland isku soo dhiibay Somaliland.
Dhan kale wasaaradda amiga Puntland ayaa sheegtay in qofkii ka tirsan Shaqaalaha dowladda amma ciidanka ee la ogaado inuu gudbinayo macluumaadka iyo sawiro ama Vedio ku saabsan ciidanka uu mutaysan karo Xabsi amma dil.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale diray baaq nabadeed, isaga oo jimcihii hadlayey ayaa yidhi “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”
Beesha caalamka iyo iyo hey’adaha baaqa diray waxaa ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States ayaa soo-jeediyay wadahadal in wax lagu dhammeeyo iyaga oo intaasi raaciyay in arrintan uga dari karto xaaladda banii’aadnimo ee duufaanta sagar oo goobtaan ka jirta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS