BALIGUBADLE MEDIA
“Waa Ayaan Darro In Dadkeena Marna Abaari Gumaado Marna Roob, oo Aynaan Xal U Hayn, Masuuliyaduna Waxay Saaran Tahay…” Xirsi Cali Xaaji Xasan.
May 22, 2018 - Written by admin

Xirsi Cali Xaaji Xasan, hogaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay masiibada iyo dhibaatada ay gaysteen duufaanada ka dhacaya gobollada dalka qaarkood, gaar ahaan gobollada xeebta ee Selel, Awdal iyo Saaxil.

WASIIRKII HOREE MADXATOOYADA XIRSI

Hogaamiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida wax u dhaceen iyo inaan dadkaasi illaa hadda gurmad ku filan aanay helin, sidoo kalena waxa uu tacsi u diray dadka musiibadaas ki waxyeeloobay.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bartiisa uu ku leeyahay Facebook-ga ku baahiyey qoraal uu arriinkaas kaga hadlag una dhignaa sidan:

Waxaa dhacday masiibo Qaran, waxaanay u baahantahay in gurmad xoog leh iyo dareen damqasho leh oo isku mid ah loogu kaco.

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadka ku dhintay dhibaatada dhacday, waxaanan illaahay ugu baryayaa in uu u naxariisto janadiisana geeyo. Ehelkii qaraabadii iyo dhamaan dadka reer Somaliland sabir iyo iimaan illaahay haka siiyo.

Waxaa muhiim ah in dawlada, xisbiyada iyo dhamaanba bulshada mucaarad iyo muxaafid aynu iska kaashano sidii loogu gurmannlahaa Dadkaa dhibaatadu soo gaadhay ee gobolada Selel illaa Awdal, Xisbi ahaana diyaar ayaanu nahay gurmadkaa inaan ka qayb qaadano isha allaah.

Qaran ahaan waa ayaan daro in marna abaari Dadkeena gumaado marna Roob oo aynaan wax xal ah iyo sidii mushkilada looga bixi lahaa u diyaarin culayska iyo masuuliyaduna waxay saaran tahay maalinba cidii talada qaranka haysa iyada oo wixii guuldaro ee Qaranka soo gaadha aynu dhamaan ceebteeda wada leenahay.

Waxay u baahantahay in aynu talo iyo tamarba isku biirino oo aynaan eegan xaalada soo noqnoqonaysa ee aafooyinka dabiiciga ah ee halakeeyay Dadkeenii iyo Xoolaheenii. Uma baahna far isku fiiq ee waxay u baahantahay ficil iyo awooda muwaadiinta oo midaysan iyada oo illaahayna aynu la kaashanayno oo baryayno. Cid kasta oo dunida wax inaga tari kartana ula tegayna inaga oo qorshe u samaysanayna isha allaah.

“Wa Bilaahi Tawfiiq”

COMMENTS