BALIGUBADLE MEDIA
VOA oo Baaq U Noociisu Ku Cusubyahay Warbaahinta U Dirtay Madaxweynaha Dalka Burundi
May 8, 2018 - Written by admin

Agaasimaha Fulinta ee Hey’adda BBG oo ah hey’adda maamusha dhamaan laamaha kala duwan ee VOA John F. Lansing ayaa Isniintii shalay ugu baaqay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, inuu ka laabto go,aanki ay dowladiisa ku mamnuucday Idaacadda Voice Of America.

Hadal qoraal ah oo uu soo saaray John Lansing ayuu ku sheegay in VOA ay sii wadi doonto caawitaanka ay dadka Burundi ku warar iyo barnaamijyo sax ah oo lagu kalsoonaan karo.

Isaga oo yidhi “Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza inuu ka laabto go,aankiisa si uu dadkiisa uga caawiyo xaqiijinta amaanka, uga hortago xasillooni darri isla markaana u dhworki shacabkiisa”.

Qoraalka ayuu sidoo kale ku sheegay in go,aanka dowlada Burundi ee muddada lixda bilood ah lagu mannuucay idaacadaha FM-ka VOA ee dalka Burundi uu soo baxay, maalin kadib marki dunida laga xusay maalinta saxaafadda xorta ah iyo 10 maalmood ka hor inta aysan dalkaasi ka dhicin afti laga yaabo in lagu bedelo muddada uu madaxweynaha xilka heynayo.
Dowlada Burundi ayaa Jimcihi ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday dhageysiga idaacadaha FM-ka ah ee qeyta la hadasho Burundi muddo lix bilood ah.

Wariyaasha VOA-da ee ku sugan Burundi ayaa Isniinti shalay ku warramay in mamnuucistaasi ay dhaqangashay todobadi bishan May oo ku beegneyd Isniintii shalay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS