BALIGUBADLE MEDIA
Ugaaska Guud ee Beelaha ARAB-WAYNE oo Ka Hadlay Dagaaladda Soo Noqnoqday ee Ka Socda Deegaanka Tukaraq
May 25, 2018 - Written by admin

Anigoo afkayga iyo ka Madaxdhaqaneedka idilkoodba ku hadlaya, waxaan marka hore dhamaan Umadda Reer Soomaaliland ku hambalyaynayaa Bisha barakaysan ee Ramadaan oon leeyahay Ilaahay(swt) haynaga aqbalo soonka, salaada iyo sadaqada intaba.

UGAAS

Marka xigta waxaan ka tacsiyadaynayaa qoysaskii iyo dhamaan Reer Soomaaliland Dadkii ku geeriyooday dhibaatadii Eebe keenay ee duufaanada intii dhimatayna naxariistii jano haka waraabiyo.

Umadda Reer SL ganacsatada iyo shacabka kaleba waxaan ku boorinayaa haloo guntado oo halaysku garab istaago dadaalka xukuumadu ugu jirto taakulaynta Dadkeena tabaalaysan.

Waxa kale oon halkan hambalyo iyo ducaba uga dirayaa cidii ku guulaystay xabad joojinta labadeena qoys ee dagaalku ku dhex maray Ceel afweyn Eebena haka jasaa’i siiyo.

Sidoo kale Waxaan hambalyo, bogaadin iyo ducaba u dirayaa Ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca Dadkooda iyo Dalkooda una dhigay duruus lama ilaawaana cidii ku soo xad gudubtay xuduudaha Dalka.

Intii u shahiiday Eebe naxariistii Jano haka waraabiyo, qoysaskii, qaraabadii iyo dhamaan Reer SL samir iyo  iimaan saadiqa haka siiyo.
Inta u dhaawacantayna hawga yeelo nabar gardaro,ajar iyo caafimaad sareecana haka siiyo.

Inta habeen iyo dharaar u heeganka ahna waxaan leeyahay” Cirooliyo dhalaan, Ciidiyo Dhulkuba, camalkaad fasheen, waan ciseenayee, cimrigiin ha jiro”.
Dalka iyo Dadkuba waa idiin og yahay halkaad ugu jirtaan ee guulaysta goob kasta iyo goor kasta Geedhii Dalkoow.

Xukuumada soomaaliya iyo Maamul Goboladeeda, waxaan odhan lahaa
“Nabadda wax loo dhigaa ma jirto”
Dadka wada dhashay Ilaahayna meel ku wada beeray ee jaarka ah isku dirkooda iyo colaadeedu waxay soo kordhisaa waa hiirtaanyo fogaata ee faraha kala baxa oo garwaaqsada waxaad garaacaysaan inay tahay BIR adag.

Allaahuma hal balaqta.Allaahum fashhad.

Ugaas/ Axmed M. Siciid( Cali-Mahdi)

COMMENTS