BALIGUBADLE MEDIA
Trump Haduu ka Baxo Heshiiska “Qoomamo Taarikhiya” ayay Ku Noqon
May 6, 2018 - Written by admin

Maxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay haddii uu Mareykanku ka baxo hishiiska nukliyeerka in uu wajihi doono qoomamo taariikhi ah.

Mr Ruuhaani ayaa hadalkaan ka jeediyey telefishinka qaranka Iiraan xilli uu xoghayaha dowladda Britain Borris Johnson, uu u socdaalay Washington si uu Madaxweyne Donald Trump ugu qanciyo in aan Mareykankanku ka bixin hishiiskii lala galay Iiraan.

roohaani

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu u sheegay hogaamiyayaasha Faransiiska, Jarmalka in hishiiskii nukliyeerka ee Iiraan uu yahay mid aad u liito.

Wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa maanta u socdaalaya Washington, ujeedadiisuna waxay tahay inuu isku dayo in uu ku qanciyo maamulka Trump in aanu ka bixin heshiiskii nukliyeerka ee Iran lala galay.

Muddadii Maraykanku u qabtay in uu go’aan cad arrintaa ka soo saari doono ayaa waxa ka hadhsan todobaad keliya, Johnson ayaa la filayaa in uu Washington kula kulmo saraakiil sarsare oo Maraykan ah.

Madaxweyne Trump oo Sabtidii telefoonka kula hadlay ra’isal wasaaraha Ingriiska ayaa arintan kala hadlay Theresa May, waxaanu Af-hayeen Aqalka Cad u hadlay sheegay in madaxweynuhu ku nuuxnuuxsaday in ay ka go’antahay in aan Iran hub nukliyeer ah hantiyin.

Xoghayaha arrimahada dibadda ee Britain, Boris Johnson, waxaa uu tegayaa Washington si uu Maraykanka ugu boorriyo inaysan baabi’in heshiiskii caalamiga ahaa ee loogu talagalay in Iran lagaga joojiyo inay samaysato hub nukliyeer ah.

Dalka UK iyo xulafadiisa reer Yurub waxay haystaan ilaa 12-ka bishan May inay madaxweyne Donald Trump uga dhaadhiciyaan inuu heshiiskaas sidiisii ahaado, iyadoo Mr Trump uu hore aad ugu dhaleeceeyay oo uu ku sheegay mid aan caafimaad qabin.

Telefoon uu shalay kula soo hadlay Ra’iisal Wasaaraha Britain, Theresa May, madaxweynuhu waxaa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay inuu xaqiijiyo in Iran aanay weligeed hub nukliyeer ah yeelan.

Heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxiixdeen US, Shiinaha, Ruushka, Germalka, Faransiiska, iyo UK oo isku dhinac ah iyo waddanka Iran oo dhanac ah ayyaa Iran waxay aqbashay inay xaddiddo hawlaheeda nukliyeerka si taas beddelkeeda looga khafiifiyo cunaqabatayno xagga dhaqaalaha.

Xulafada reer Yurub ee Faransiiska, UK iyo Germalka waxay isku wada raacsan yihiin in heshiiska hadda jira uu yahay qaabka ugu wanaagsan ee looga joojin karo Iran inay samaysato hub nukliyeer ah, Qaramada Midoobayna waxay sidoo kale Mr Trump uga digtay inuusan heshiiskaas ka bixin.

Laakiin Mr Trump waxaa uu ku hanjabay inuu heshiiska ka baxayo haddii saxiixayaashii aanay oggolaan in wax laga qabto cilladaha aadka u ba’an ee uu leeyahay.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, waxaa uu sheegay in Maraykanku u wajihi doono shalayto taariikhi ah haddii uu heshiiska ka baxo.

Hadalkiisa oo toos looga sii daayay television-ka, waxaa uu ku sheegay in Iran uu meel u yaal qorshe ay uga hortagto wixii go’aan ah ee uu qaato Trump, ayna iska celin doonaan.

Mr Johnson waxaa uu la kulmi doonaa madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence, la-taliyaha ammaanka qaranka, John Bolton iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda dibadda ee aqalka Congress-ka.

Boris Johnson waxaa uu sheegay in UK iyo US ay aad isugu dhow yihiin arrimo badan oo caalami ah sida jawaabtii ay ka bixiyeen hubkii kiimikada ee lagu isticmaalay dalka Suuriya iyo dadkii lagu sumeeyay dalka Britain.

Waxaa kaloo uu sheegay in UK, US iyo xulafadooda reer Yurub ay sidoo kale ka mideysan yihiin wax ka qabadka dabeecadda Iran ee gobolka bariga dhexe ka dhigaysa meel aan nabad ahayn- weerarradeeda Internet-ka, taageeradeeda kooxaha Xisbullah oo kale ah, iyo barnaamijkeeda sawaariikhda halista ah ee ay ku hubaynayso Xuutiyiinta dalka Yemen.

Wada hadallada UK-US waxay imanayaan kaddib markii Israil ay daboolka ka qaadday faylal nukliyeer qarsoodi ah oo Iran ku eedeynaya inay leedahay barnaamij nukliyeer qarsoodi ah, oo la sheegay inay kaydsatay 15 sano kahor.

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Mike Pompeo, waxaa uu sheegay in dokumentigaasi uu dhab yahay, uuna muujinayo in heshiiskii 2015 Iran lala galay uu been ku dhisnaa.

Iran, iyadu, waxay ku eedeysay Mr Netanyahu inuu been sheegay. Wasiirka arrimaha dibadda Javad Zarif waxaa uu sheegay in dokumentiga ay Israel soo saartay uu yahay eedeymihii hore loo sheegi jiray oo ay wax ka qabatay hay’adda Qaramada Midoobay ee caalamka u qaabilsan hubka atoomikada ah.

bbc

COMMENTS