BALIGUBADLE MEDIA
“Tiroba Illaa Shan Mashruuc Ayaanu Xogta Ku Haynaa In Madaxweynuhu Cid Ku Naasnuujiyay” Xisbiga UCID oo Soo Bandhigay Mashaariicda La Siiyay Madaxa Sagal Jett
May 1, 2018 - Written by admin

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa soo qufay Ceebihii ugu cuslaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku talaabsaday muddadii yarayd ee uu Xilka hayay,Waxa ay sheegeen in Madaxweynuhu shan Mashruuc oo aan tartanta loo galin uu cid gaar ah gacanta u galiyay,waxa kale oo ay sheegeen inay arintaasi oo faah faahsan ay gacanta ku hayaan oo ay dhawaan Saxaafada u soo bandhigayaan,waxa ay ka digeen arimahaasi oo ay sheegeen inay dalka ku keeni karaan Amni daro iyo kacdoon dhinaca shacabka ka yimaada,Waxa kale oo ay ka hadleen Sicir Bararka Dalka ka taagan oo ay ku eedeeyeen inuu Madaxweyne Muuse Biixi tahli waayay inuu wax ka qabto.

cabdi yuusuf

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi ayaa arimahani kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa,Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Somaliland meesha Keli ah ee arinteedu khatarta tahay ee arinteeda imbadan ay dadku u soo samrayeen waa Mashaariicda la bixinayo,Tiraba illaa Shan Mashruuc ayaanu imika Xogta ku haynaa inuu Madaxweynuhu Bixiyay,Shantaasi Mashruuc waanu soo bandhigi doonaa Madaxweynuhu Cidda uu siiyay iyo Cidda Qaadatay,iyo sababta uu ku siiyay,iyo waliba waxa uu ku doortay,waanu soo bandhigi doonaa Haddii Alle yidhaah,Waxaanu leenahay Madaxweyne Waxaanu ka warhaynaa inaad Timirtii Cid gaar ah Siisay,Waxaanu ka warhaynaa Agabkii 18-May Inaad cid gaar ah siisay. Awal hore waa la naadin jiray, Dabadeed Shirkad ayaa ku guulaysan jirtay,kaasi waxba kama jiraan,Waxaanu ka warhaynaa in la bixiyay Dirayskii Ciidanka, oo iyadana Cid gaar ah lagu naasnuujiyay”.
Isagoo hadaladiisii sii wata a

yaa waxa u yidhi“Waxaanu iyada oo faah faahsan oo balbalaadhan iyo waliba Sababta Qofkaasi lagu siiyay dib ayaanu ka soo bandhigi doonaa Haddii Alle yidhaah,Waxaananu leenahay meeshaasi waa meel Khatar ah,waa meel aynu isku qabsan karno,waa meel la isku dili karo,in mashaariicda Cid gaar ah la siiyo oo lagu naasnuujiyo, Mashaariicda Qaranka ee loo wada siman yahay,anigu cashuur bixiye ayaan ahay,Hebelna waa Cashuur bixiye,Ka Kulmiye kugula jiraana waa Cashuur bixiye,waa in la naadiyaa oo la soo bandhigaa,Dabadeedna si cadaalad ah loo doortaa qofka ku guulaystay,lakiin haddii la yidhaah Hebelaw hoo,iyo Hebelow Hoo, Dawladnimadeenu ma soconayso,dib ayaanu ka soo bandhigi doonaa Afartaasi mashruuc ee ugu horeeyay ee aad bixisay Madaxweyne iyo sababaha aad ku bixisay,mana aqbali doono Mashruuc in Cid lagu naasnuujiyo,Taban sannadood ayaanu daawananay in Hebel la iska siiyo Mashruuc oo lagu naasnuujiyo”.

Waxa kale oo uu ka hadlay Arimaha Sicir Bararka ee Dalka naafeeyay,Waxaana uu Madaxweyne Muuse iyo Xukuumaddiisa Ku eedeeyay inay tahli waayeen inay wax ka qabtaan“Waxaanu Aad iyo aad uga tiiraanyaysanahay oo aanu aad iyo aad uga murugaysanahay in Bishii Ramadaan oo soo galaysa in Sicir Bararku Halkiisii marayo,Dadka Masaakiinta ah ee Bisha Ramadaan Cibaadaysan jiray ee inta ka horaysa sii shaqaysan jiray inay Maanta Galinka hore iyo ka dambeba shaqayn doonaan, Sicir Barar Awgii,Waxaan leeyahay waa Hiigsigii iyo hankii lagu Hungoobay,Madaxweynuhu waxa u wali daawanayaa oo uu eeganayaa Gudidii uu u diray Sicir Bararka ee illaa Maanta waxay ku sii kordhiso mooyee aanay waxba ka soo dhimin,Aad iyo aad ayaanu uga xunahay,Waxaanan Aaminsanahay innuu la qabo Madaxweynuhu fikirkaasi,Umaddana waxaan leeyahay Illaahay aan waydiisano Hogaan Wanaagsan”.

isku soo wada duuboo shakhsiyaadka ugu horeeyay ee tiraba mashaariic gaadhaysa tobaneeyo mashruuc qaatay waxa kaw ka ah madaxa shirkadda sagal jett oo lagu magacaabo cabdi yuusuf aar kaas oo qaatay saddexdan mashruuc iyo kuwo kale oo aanu idiin soo gudbin doono.

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS