BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Oo Laga Reebay Koobka Adduunka Dalalka Aan La Aqoonsan, Sababta Ay Ku Dhacday Iyo Rajo La’aanta Ciyaaryahannadii Isku Diyaariyey
May 29, 2018 - Written by admin

Jamhuuriyadda Somaliland kama mid aha dalalka sannadkan ku tartamaya Koobka Adduunkda waddamada aan la aqoonsanin ee dunida ee CONIFA, kaas oo ka dhacay waddanka Ingiriiska.

conifa

Somaliland ayaa ka qayb-gashay tartankii ugu dambeeyey ee CONIFA ee laba sannadood ka hor lagu qabtay waddanka Abkhazia, halkaas oo xulkii qaranka Somaliland uu wacdaro ka dhigay, isla markaana warbaahinta dunida kusoo jeediyey qaddiyadda Somaliland oo dad badan oo aan hore u maqal ay wakhtigaas barteen.

Ma jiro war kasoo baxay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee UK oo sannadkii 2016 abaabulay kooxdii ka qayb-gashay Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA oo ay ka mid ahaayeen afar ciyaartoy oo Hargeysa ka tegay iyo inta kale oo waddanka Ingiriiska laga kexeeyey, hase yeeshee, shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com oo la xidhiidhay ciyaaryahannadii sannadkaas ka qayb-galay ayaa niyadjab ka muujiyey in dalkooda oo ay dunida bareen uu hadda ka baaqanayo koobkaas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS