BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Uurcade oo Ka Hadlay Maamuuska Uu Kaga Qayb Galay Shirkii Ka Dhacay Madaxtooyada Somaliland
May 18, 2018 - Written by admin

Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa ka hadlay maamuuska uu kaga qayb galay shir muhiim ah oo madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay madaxdii hore ee dalka, hogaanka xisbiyada iyo shirgudoonka goleyaasha.

Xoghaye Uurcade

Siyaasi Uurcade oo ka hadlaya kulanka uu ka qayb galay iyo waxyaabaha lagaga hadlay ayaa waxa uu yidhi “Kulamada qaranka awalba waan ka qayb gali jiray sidii aan uga qayb gali jiray ayuunbaan kana uga qayb galay wax cusubna may ahayn , madaxweynaha aad ayana uga mahad celinayaa sida uu arintaas qiimaha badan u saaray ee uu warbixinta uga siinayey masuuliyiintii hore ee qaranka iyo kuwa imikaba way ku jiraan, madaxweyneyaashii iyo ku xigeenadii

iyo shirgudoonadii ayaa ku jiray, wixii qaranku leeyahayna si daah furan ayuu madaxweynuhu umada u soo hordhigay, arinta ceel afweyn oo madaxweynuhu aad uga xumaa aad ayaa looga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa, waxaana la go’aansaday in si waa jir ah wax looga qabto oo xukuumaduna hor kacdo.”ayuu yidhi siyaasi Uurcade oo u waramay eryal tv

Siyaasi Uurcade ayaa ka jawaabay dareenka ay xisbiga Waddani ka muujiyeen ka qayb galka shirkaasu waxaanu yidhi “Inaan imaado iyo in kale iyaga ma khusayso, iyagana marti umaan ahayn sabab ay uga cawdaana ma jirto, aniga iyo xisbiga Waddani isma haysano, waxaanu is haysanaa ninka la yidhaa Cirro laakiin xisbiga waddani guud ahaan isma hayno.”

Siyaasi Uurcade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Anigu haday madaxweyne tahay iyo haday gudoomiye maxkamad tahayna dad walaalo ah ayaanu nahay oo dalka wada leh, mana arkayo wax dhib ah oo ku jira inaan wada joogno, somaliland-na dadka dagani waa wada walaalo, markaa waxa fiican in meeshii wax ku jiraan la qodo balse aan meel walba la qodin.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS