Shirkadda Shidaalka ee Red Sea oo Ku Ganac Saydhay Ganaaxii Xukuumaddu Ku Soo Rogtay, Iskana Fogaysay Eedaymo Uga Yimi Wasiirka Ganacsiga
May 9, 2018 - Written by admin
Xukumadda Somaliland ayaa Shirkadda Shidaalka ee Red Sea kusoo rogtay ganaax dhan $355,500 iyadoo ku eedaysay in ay dalka soo gelisay Shidaal Wasakhaysan. Sidoo kale Shaybaadhka Shidaalka ee Berbera waxaa lagu ganaaxay $355,500 Maaddaama oo uu bixiyey ogolaanshaha lagu sii daayayey Shidaalka Wasakhaysan sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga Somaliland.
Wasiirka ganacsiga ayaa labadan shirkadood amray in ay si degdeg ah lacagtan ugu shubaan wasaaradda maaliyadda, islamarkaana wasaaradda ku boorriyay in ay daba gasho bixinta lacagtaasi.
Hase yeeshee Sherkadda shidaalka keenta ee Red Sea ayaa iska fogaysay eedaymaha iyo ganaaxa ay xukuumaddu ku soo rogtay, waxaanay si toos ah masuuliyadda shidaalkan wasakhaysan u saareen shaybaadhka shidaalka ee Berbera iyo xukuumadda Somaliland oo masuuliyadaas iyagu leh.
Sheekh Xasan Cabdi Salaan oo ah madaxa sherkadda Redsea ayaa sheegay inay shidaalkooda soo mariyeen shaybaadh caalami ah iyo shaybaadhka shidaalka ee Berbera, waxaana uu sheegay inay labaduba soo siiyeen cadaymo muujinaya in shidaalkooda laga dejin karoo Berbera isagoo arrinkaas ka hadlaya ayuu yidhi:
“Sidee ayuu shidaalkani inagu soo galay waxaa asal ahaanba ka horaysa sidee ayuu dalkeena shidaalku ku yimaadda? Shidaal marka ay shirkadi keenayso waxay heshiis kula jirtaa Berbera Oil Group (BOG), marka shidaal la dalbanayo waxa la sameeyaa hab tayeed la leeyahay shidaalka aad keenaysaa waa inuu shuruudaha noocaas iyo noocas ah leeyahay, shidaalkaas oo shuruudahaas leh baad qaadaysaa waad keenaysaa sidaas ayuu runtii ku imanayaa. Marka shidaalku yimaaddu dhukumenti baa la soo raaciyaa, shahaadada caddanaysa tirada iyo tayada shidaalkaaga, shahaado caddaynaysa meesha aad ka keentay iyo cidda shidaalkan iska leh, waraaqahas marka ay yimaadaan waxa lagu qiimaynayaa shidaalkii, waxaana markan lagu qiimaynayay in shaybaadhka inoo dhisani uu isagu masuuliyadda qaado oo shidaalkaasi tayadii loo baahnaa miyuu ka hoseyaa mise wuu waafaqsan yahay in su’aashaas uu shaybaadhku ka jawaabo. Markabku marka uu soo istaago waxa warqadda tayada qaadaya shaybaadhka ayaa qaadaya, marka horena shaybaadh caalami ah ayaa soo baadhaya, kadib shaybaadhku waxa uu eegayaa shidaalkani in shuruudihii buuxinayo iyo inkale, hadaba shidaalkan markii aanu soo rarnay waxaa soo baadhay tayadiisa sherkadda loo yaqaano IIL, waxaanu ka soo rarnay Cumaan. ka bacdi shidaalkii waxaanu u soo gudbinay shaybaadhkii (Lab), shaybaadhkii markii uu soo joogsaday wuu baadhay isaguna waxa uu nasiiyey waraaqda aan halkan ku hayo ee u cadaynayo in shuruudihii shidaalka ee Berbera laga ogolyahay uu waafaqsan yahay oo uu degi karo ayuu na siiyey, labadaas qoraal baa runtii ka turjumaysay tayada shidaalka, anaguuna runtii ma lihin awoodda dejinta shidaalka haddii aan naloo ogolaan shidaalka inaanan dejin ma dejin karno, haddii la yidhaahdo celiya waanu celinaa” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cabdisalaan, waxaana uu sii raaciyey:
“Waa run waanu ogayn in shidaalkan ogsajiintu ku badan tahay manaanan qarin, shahaadada aan hayo ee ay soo raacisay wershaddii soo saartay way ku qoran tahay heerka ogsajiinta shidaalkan ku jirtaa intay le’egtahay way ku qoran tahay, markaa waxa la is waydiin karaa haddii ay caynkaas tahay muxuu u shubmay shidaalkaasi? marka aynu hor ilaahay u hadlayno shuruudaha shidaalka Berbera laga ogol yahay heerka ogsajiintu kuma jirin, leefalka ogsajiinku halkaas ha joogo, yuu lahaanin ama ha lahado midna kuma jirin shuruudaha shaybaadhkenu ansixiyey. mar labaad annagu dhibtan inuu gaysanayo kumaanaan talo galin, aqoontaas iyo garashadaasna umaanaan lahayn. kaba soo qaad inanu shidaal dhibaato gaysan kara keenay waxaa is waydiin leh yaa xaq u lahaa inuu qabto, waxaan qabaa runtii anaga taasi shaqadayada maahayn shaqadaas waxa lahaa laabka ama shaybaadhka, isaga ayaa baadhay kadibna ii soo qoray qoraalkaa uu leeyahya (baadhitaankaas aan sameeyey waxa uu waafaqsan yahay shuruudaha shidaalka Berbera imanaya laga ogolyahay), haddii hadaba markii uu shidaalkii degay dhibaato ka timi anagu waxaanu qabnaa inuu yahay qaddar ilaahay oo aan cidina ku talo galin, haddii ay cidi aqoon u yeelanaysana shaybaadhka ayaa u yeelan lahaa”.
Madaxa sherkadda Redsea, Sheekh Xasan Cabdisalaan waxa sidoo kale gaashaanka u daruuray ganaaxa ay xukuumaddu ku rogtay “Ganaaxa la leeyahay waa la idin ganaaxay waxaan qabaa inuu daw darro yahay, laba arrimood dartood, haddii la leeyahay shidaalkan hab tayeedkii Berbera ayaanu waafaqsanayn, maaha wuu waafaqsan yahay, haddii la leeyahay shidaal ogsajiintu ku badan tahay baad keentay mabaan qarin haddii uu dhib leeyahay maxaad u odhan waydeen jooji, maxaad u dejiseen ee aad u ogolaateen idinku, Mida kale maaha qofku inuu isagu n eedeeyo xukunkiina qaado, annaga cidi dood nagama qaadin waraysi nalagama qaadin miyaanan xaq u lahayn inaan is difaacno miyaanan xaq u lahayn inaanu doodno ma waxa weeyaan anigaa ku xukumaya anigaa ku eedaynya anaana go’aan kuu gaadhaya” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka hadlayay ganaaxa ay dawladdu ku soo rogtay.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS