BALIGUBADLE MEDIA
Shidaal La’aan Soo Food Saartay Suuqyadda Hargeysa, Gaadiidkii oo La Iska Dhigay Iyo Xukuumadda oo Afka Xidhatay.
May 14, 2018 - Written by admin

waxa maanta markii ugu horaysay magaaladda hargeysi la daalaa dhacaysa sicir barar baahsan oo ka jira dhanka shidaalka kaas oo maalmihii u dambeeyay ay ildarnaayeen muwaadiiniintu balse waxa saaka gabi ahaanba shidaal laga waayay kaalmaha shidaalka iibiya gaar ahaan patrolka waxaanay taasi keentay in kaalmaha kooban ee laga helaa litirka shidaalka ah siinayeen 15000 kun oo shilinka somaliland ah

breaking news
halka intooda badani aanay hayn wax shidaal ah islamarkaana ay dhamaan bulshadda istcimaasha gaadiiduiska dhigeen dhamaan gaadiidkii ay wateen

ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda kornayl biixi balse tan iyo intii ay taladda dalka la wareegtay xukuumadani waxa dalka ka taagnaa halis dhinaca nolosha ah taas oo aanay ilaa hadda waxba ka qaban maamulka jooga oo u muuqda kuwo aan fahan u lahayn waajibaadka shaqo ee ay umadda u hayaan  waxaanay dhamaan muwaadiniinta dalka ku noolo la daalaa dhacayaan noloshooda aasaasiga ah kadib markii ay waayeen dawladii wax u qaban lahayd

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS