BALIGUBADLE MEDIA
Nabad Baa Naas La nuugo Leh “Baaq Nabadeed”
May 11, 2018 - Written by admin

Nabad Baa Naas La nuugo Leh

Waa walaalo
waa ilmaader
waa tol
waaa inan iyo aabbihii ama inan iyo abtigii, “waxaa lagu noolyahay nabada balse nabadu inaguma noola” wax inaga wada dhexeeya  oo lagu wada mabsuudo waxaa u weyn ee jiraa waa nabad.
Nabaduna waaa hugga u weyn ee Somaliland huwan  tahay .
Caalamku iyo waddamada jaarkeenuba way inagu wada amaannan, waana wax alle looggu mahad naqo.
Balse manta colaadda ka taagan ceel afweyn maaha colaad fog balse waxaa ka muuqda deddaal la,aanta iyo juhdi aan la gelin .
Waxay ahayd in laga wada shaqeeyo oo loo dedaalo balse lama gelinba,
Madaxweyne , wasiir ,boqor ,garaad iyo suldaanba waxaad  masuul ka tihiin nabadaynta iyo toosinta qaranka iyo beelaha wada dega waxaan qurux badan in labada qolo ee walaalaha ah la dhexdhexaadiyo
Waa walaalo waan dad wada dhashay wixii soo gaadhaa waa wax inaga ina soo gaadhay qofka inagaga baxaa waa qof qarankeena meel ku baneeyey .
Waxaan baaq nabadan ah u dirraynaa walaalaheen dhibtu ka dhex taagan tahay .
Walaallayaal nabadu waataa maanta aynu ku fadhino isku dooranayno
Walaallayaal  nabadu waataa maanta  aynu ku dhisnay qaranimadeena
Walaalayaal nabadu waataa  manta aynu ku horumarnay ee caalamku inagu hambalyeynayo
Walaallayaal nabadu  baa naas la nuugo leh

Alle ha ka qaboojiyo walaalaheen  dagaalka

W/Q    Abdisamed Osman Ahmed  (Abdeq)
[email protected]

COMMENTS