Mohamed Salah Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Dhaawicii Ku Soo Gaadhay Kiev, Balan Uu U Qaaday Xulka Qarakiisa Masar Ee Koobka Aduunka
May 29, 2018 - Written by admin
Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada dhaawicii ku soo gaadhay kulankii finalkii Champions League ee Kiev isaga oo waliba balan u qaaday xulka qarankiisa Masar ee koobka aduunka ka qayb gali doona. Mohamed Salah ayaa sidoo kale u mahad celiyay jamaahiirtiisa fariimaha badan u dirayay.
Mohamed Salah ayaa hadda bartiisa twitterka soo dhigay fariin uu kaga hadlay arimahan wuxuuna balan ku qaaday in uu taam u noqon doono koobka aduunka ee xulka qarankiisa Masar. Laakiin Mohamed Salah ayaa qiray in ay waqti adag ku ahayd xalay markii uu dhaawaca kaga baxay kulankii Real Madrid.
Mohamed Salah ayaa fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku sheegay in uu habeen adag soo qaatay balse uu yahay dagaal yahan isla markaana uu kalsooni ku qabo in uu u safri doono Russia si uu xulka qarankiisa uga dhigo mid hanwayn.
Fariinta uu Mohamed Salah soo qoray ayuu soo raaciyay sawirka sare e uu murugaysan yahay wuxuuna yidhi: ” Waxay ahayd habeen aad u adag, laakiin anigu waxaan ahay dagaal yahan, waxaan ku kalsoonahay in aan u safri doono Russia si aan dhamaantiin idiinka dhigo kuwo hanwayn. Jecaylkiina iyo taageeradiina ayaa aniga awoodii aan u baahnaa isiinaysa”.
Mohamed Salah ayaa door layaableh ka soo ciyaaray Liverpool xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay balse xili ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay ayaa oohin iyo xanuun murugo badan ku dhamaaday kadib markii uu Sergio Ramos sabab u noqday in xidiga ree Masar uu dhaawac kaga baxay kulankii Kiev.
Liverpool ayaa baadhitaano ku samaysay xaalada Mohamed Salah waxayna xidhiidhka kubbada cagta Masar ku war galiyeen in dhaawiciisu yahay kala bax isgoyska seeda garabka taas oo uu dhakhtarka xulka qaranka Masar niyad wanaag ka muujiyay in daawayntiisu ayna saddex usbuuc ka badan karin.
Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah ayaa hadda dagaal ugu jira in uu taam u noqdo koobka aduunka oo uu markii ugu horaysay xulka qarankiisa u soo saaray tan iyo 1990 kii, wuxuuna doonayaa in markale uu qayb ka noqdo qarankiisa oo kulanka ugu horeeya ee koobka aduunka bilaaban doona June 15 markaas oo ay Uruguay la ciyaari doonaan.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS