BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Oo Cunaqabatayn Cusub Ku Soo Rogay Shakhsiyaad Iyo Shirkado Laga Leeyahay Dalka Iiraan
May 11, 2018 - Written by admin

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay lix qof iyo saddex shirkadood  oo ay sheegtay inay xidhiidh  laleeyihiin ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).

Xoghaya maaliyadda Steven Mnuchin ayaa sheegay in cunaqabataynta lala eegtay qolyaha malaayiinta dollar siiya kooxdaan, si loogu fuliyo hawlaheeda baabi’inta ah.

usin'

Bangiga dhexe ee Iiraan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in uu gacan ka siiyo kooxda ilaalada kacaanka islaamiga ah ee IIraan in ay helaan doolarka Maraykanka.

Waaxda maaliyadda ee Maraykanku ma aysan magacaabin shakhsiyaadka la cunaqabateeyey, balse waxay sheegtay in dhammaantood ay yihiin dad u dhashay Iiraan.

Tallaabadaan ayaa lagaga mamnuucayaa shakhsiyaadiyo shirkadaha  Maraykanka inay xidhiidh  ganacsi la yeeshaan kooxahan la cunaqabateeyey, iyadoo dawladda isutagga Imaaratka Carabtu ay gacan ka gaysanayso arrintaan.

Dawladda Iiraan iyo bangigeeda dhexe waxay sixun u adeegsanayaan in ay galaangal u yeeshaan sharikado ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta si ay u helaan doolarka Maraykanka oo ay ku maalgaliyaan hawlaha ujeedooyinka xun leh ee ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan, taas oo ay kamid tahay in lagu maalgaliyo kooxo gobolka qalalaaso ka suubiya.

Source:-BBCsomali

COMMENTS