BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynihi Hore ee Maraykanka Brack Obama Iyo Xaaskiisa oo Matalaya Filim Khatara
May 22, 2018 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa isku diyaarinaya sidii ay uga soo hormuuqan lahaayeen barnaamijka muuqalka ah ee Neftlix si ay u jilaan aflaan iyo barnaamijyo muuqaal ah.

obama and micheal

Neftlix waxay sheegtay in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa ay shirkadda la saxiixdeen heshiis dhowr sana qaadanaya.

Waxaana filimka ay jili doonaan uu noqon doona mid taxane ah oo isugu jiro barnaamijiyo iyo faallooyin muuqaal ah.

Michelle Obama waxay tiri ” Barack iyo aniga markasta waxaan aaminsanayn awoodda ay leedahay sheeko isku gudbinta taaso na dhiiragelisay”

Faafaahinta ku saabsan waxyaabhaa uu diiradda saari doono filimkan ayaa weli shaaca laga qaadin.

Lamanayaashani ayaa sameeyay diyaagaroow xoogaan si waxyaabaha ay jilayaan looga baahiya barnaamijka Neftlix.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in xilligii uu ka shaqaynayay xafiis dadweyne ay farxaddiisu ahayd inuu la kulmo dad horumar ka gaaray nolosha si dadka kale ay ula wadaagaan khibraddooda.

Barack Obama wuxuu yiri ” taasi waa sababta aniga iyo Michelle aan ula shaqaynayna shirkadda Neftlix, waxaan rajaynaynaa inaan gudbino xirfad xikmadaysan”

Mareykanka, Jarmalka iyo Faransiiska oo Ruushka cambaareeyay

Masaajiddo ku yaal Mareykanka oo loo hanjabay

Markii ay billaabatay ka hadalka arrintani horraanti sanadkani waxaa la sheegay in Obama uu Neftlix uu kusoo bandhigi doono barnaamijyo wax ku ool ah oo ay kamid yihiin arrimmaha caafimaadka, isbaddalka cimilada iyo arrimaha socdaalka.

Waxaana sidoo kale la sheegay in Obama aysan u qorshaysnayn inuu filinkiisa noqdo mid uu ku weerarayo Donald Trump iyo mid wax dhaleeceynaya.

bbc somali

COMMENTS