BALIGUBADLE MEDIA
“Mabda’a Xadhig Ma Bedelo, Dhib Badana Wuu I Gaadhay…” Naciima Qorane Oo Ku Adkaysatay Mawqifkeeda Soomaaliweyn
May 8, 2018 - Written by admin

Naciima Abwaan Qorane oo shalay xabsiga Gabiley lagaga sii daayay cafis madaxweyne ayaa sheegtay in aan xabsiga la galiyay waxba ka bedeli doonin mawqifkii markii hore lagu xidhay ee ahaa Soomaaliweyn. Waxay ku dooday in ay tahay Abwaanad dhex u ah guud ahaan umadda Soomaalida cid gaar ahna aanay u xidhnaan doonin.
Waraysi ay siisay Idaacadda Dalsan ee Soomaaliya fadhigeedu yahay waxay u sheegtay in aanay habayaraatee waxba ka bedeli doonin aragtideeda iyada oo sheegtay in waxa deeqa yahay kaliya Soomaalinimo laakiin, waxay ballanqaaday in aanay Somaliland wax dhib ku ah ka shaqayn doonin inkasta oo ay Somaliland dhibsato muwaadiniinteeda ku hawlan fikradaha midnimo Soomaaliyeed.
Aabbaha dhalay Niciima Abwaan Qorane ayaa sidoo kale sheegay in aanu waxba ka bedelay mawqifka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS