BALIGUBADLE MEDIA
“Haddii Aad Aadan Siiro Xil La Jeceshahay, Ku Wareeji Murashaxnimadaada” Guddoomiye Xigeenka 2-aad ee Guurtida –
May 5, 2018 - Written by admin

Guddoomiye ku xgeenka labaad ee galaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh  Madar, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, hadalkaasi oo uu wax kaga guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh  Madar, waxa uu tilmaamay in hadalka Cabdiraxmaan Cirro uu yahay wax lala yaabo, isla markaana haddii cid lala xisaabtamayo ay ahady in isaga lala xisaabtamo oo muddo dheer ku fadhiyay kursi uu xisbi kale lahaa, oo jabiyay dastuurka qaranka Somaliland.

Guddoomiye ku xgeenka labaad ee galaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh

Yuusuf Sheekh  Madar, waxa uu sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, isaga oo dhamaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:- “Runtii aniga oo aan ka mid ahayn masuuliyiinta inta badan aan warbaahinta ka hadal, isla markaana aan dhaqan ahaan jeclayn in yooyootan iyo weerar la iskaga gudbiyo saxaafada isla markaana aan u arko  in aanaan kala mudnayn Guddoomiyaha Xisbiga Wadani “C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro)” in aanu iskaga jawaabno warbaahinta haddana nasiib daro waxay ka timid dhinaca Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro, waxaad ku sheegtay Qudbadii aad magaaladda Burco aad ka jeedisay tobaad-kii hore, waxaad ku tidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ha ka nasto xilka Guddoomiyaha Guurtida oo Sheekh Aadan Siiro ha u baneeyo Kursiga.

Guddoomiye Cirro waxaan leeyahay, haddii aad u aragto in Kursiga Guddoomiyaha Golaha Guurtida uu yahay meel lagala xisaabtami karo Xukuumada, Kursigii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada aad mudada ku dhaw 20-ka Sanno aad ku fadhiday, ayaa ka lahaa la xisaabtanka xukuumada, ma imikaad ogaatay, oo aad ka hadlaysaa xisaabtanka xukuumada, ma maanta ayaad noqotay mucaarad, shalay markii aad ku fadhiday Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada mucaarid iyo muxaafid kaad ahayd maanaan garanaynee.

Haddii cid lala xisaabtamayo waxay ahayd in adiga lagaala xisaabtamo mudo lix sanadood ah oo Kursigii xisbiga UCID uu lahaa aad ku fadhiday, adiga oo waliba ka samaystay Xisbiga Wadanina, Isaga oo xildhibaankii xaqa u lahaa ee Kursigaa aad ku fadhiday ee UCID uu mudadaasba joogay, adiga oo xilkaana ku helay awood iyo dhaqaalaba Urur Siyaasadeed, haddana Xisbi Qaran ku helay, adiga oo waliba jabiyey Qodob-ka 48aad ee Distoorka Qaranka JSL.

Guddoomiye Cirro markaad leedahay Sheekh Aadan Siiro ha lagu wareejiyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Kursiga uu ku soo gali lahaa Golaha Guurtida aniga ayaa ku fadhiya ee, halkee ayuu ka soo gali lahaa Golaha Guurtida? Haddaba waa su’aale Maxaa ka si ah Guddoomiye Cirro? Miyaad Dawakhsan tahay, Mise waxa ku haya waxa af-ka qalaad lagu yidhaahdo (Election Trauma) oo aad ka qaaday doorashadii Madaxtooyada ee lagaaga guulaystay, taas oo la odhan karo in buuq iyo dawakh badani ay kuu keentay Kursigii madaxtinimada ee aad wayday, balse aan u arko in ay cashar tahay in Bini’aadam-ku ama siyaasiyiintu ay guulaystaan ama guul daraystaan, taas oo ka mid ah arrin waayaha noloshu iska leeyahay.

Haddaba Guddoomiye Cirro, haddii aad Sheekh Aadan Siiro aad la jeceshahay Kursi siyaasadeed doorashadii Golaha Wakiiladu ayaa dalka fooda ku soo haysa ee, waxaad ka dhigtaa Musharaxa koowaad ee aad Xisbigaaga Wadani uga soo sharaxdo Gobolka Hargeysa, Xoogana aad saarto sidii uu ugu soo bixi lahaa Sheekh Aadan Siiro Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada.

Marka labaadna aad Golaha dhexdiisa uga ololayso sidii uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, si uu Sheekhuna u helo (Plat form) siyaasi ah oo ka baxsan masaajid.

(Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Guurtida). Sh. C/raxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS