BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiye Cirro Oo Soo Bandhigay Qodobo Muhiim Ah Oo Uu Kala Hadlay Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada Sweden Oo Uu Kulan La Qaatay
May 26, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden.

gudoomiye cirro

Gudoomiye Cirro oo dhawaanahanba socdaal ku marayey wadamo ka mid ah qaarada yurub ayaa soo bandhigay qodobo muhiim ah oo ay ka wada hadleen masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden.

Gudoomiye Cirro oo ka hadlaya kulanka ay la qaateen wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu fursad u helnay inaanu la kulano wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden,waxaanu kala kulanay soo dhawayn balaadhan anaga oo kala hadalnay guud ahaan arimaha somaliland oo ay ugu horayso arinta hada

taagan ee duufaanada iyo daadadka ka dhacay dalka iyo khasaaraha ay gaysteen iyo inay taageero ka gaystaan iyo inay  gacan ka gaystaan guud ahaan horu marka somaliland iyo inay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada.”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo la hadlay hctv.

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa sheega inay ka wada hadleen arimo la xidhiidha doorashooyinka somaliland waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu kala hadalnay arimaha doorashooyinka soo socda, dimuqraadiyada somaliland iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen iyo sida loo hagaajinayo nidaamka doorasho ee somaliland.”

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheega inay ka wada hadleen masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada Sweden arimo la xidhiidha amaanka iyo xaalada Tuke-raq waxaanu yidhi “Waxaanu kala hadalnay xaalada nabad galyo ee ay maanta somaliland ku sugan tahay anaga oo u xaqiijinay in somaliland ay ku sugan tahay xuduudeedii, meesha lagu dagaalamayo ee Tuke-raq-na ay ka mid tahay somaliland ee aanay xataa ahayn xuduudka u dhaxeeya somaliland iyo soomaaliya ama somaliland iyo Puntland.”

Ugu dambayn gudoomiye Cirro ayaa sheegay  inay masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada ku war geliyeen in somaliland mar kasta diyaar u tahay nabad galyo balse ay xaq u leedahay inay is difaacdo waxaanu yidhi “Somaliland iyada ayaa ka masuul ah amaanka shacabka iyo nabad galyada qaranka, waxaanay xaq u leedahay inay is difaacdo laakiin waxaanu ku boorinay inay arintaas ay si wanaagsan u daraaseeyaan oo ay fahmaan halka ay dhibaatadu ka jirto, waxaanan u sheegnay inaanaan dagaal durbaan u tumayn balse aanu rabno in nabad lagu wada noolaado laakiin wixii xad gudub ah aanaan ogolaan doonin.”

isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS