BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Soo Bandhigay Heshiis Maraykanku Dhex Dhexaadiyey Oo Laga Gaadhay Colaada Tukaraq Iyo Cida Jabisay
May 24, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo bandhigay heshiis uu maraykanku kala dhex dhigay somaliland iyo soomaaliya oo ay jabiyeen maamulka Puntland.

faysal

Gudoomiye Faysal oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaas la gaadhay xalay balse saaka waaberigii ay jabiyeen maamulka Puntland waxaanu yidhi “Xalay oo u dambaysay waxa la gaadhay heshiis afar qodob ah oo uu maraykanku horseed ka ahaa kuwaas oo kala ahaa.

In la joojiyo xabada
In la bilaabo wada hadaladii somaliland iyo soomaaliya, farmaajo waa lala hadlay, cabdi wali waa lala hadlay Muuse Biixina waa lala hadlay.
In maxaabiista  laysku celiyo
In laga wada hadlo sidii loo soo noolayn lahaa wada hadalada somaliland iyo soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa xalay la gaadhay hadana 5:30 subaxnimo ayey na soo weerareen, anagu dadkaa soomaaliyeed ee dhintay odhan mayno waanu ku faraxsanahay oo waa la laayey balse waxaanu leenahay waa la jabiyey gardaradii.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaaday soomaaliya, isaga oo xusay ciidamo loo tababaray oo qayb ka ahaa dagaalka kuwaas oo qaarkood maxaabiis ahaan loo qabtay waxaanu yidhi “Inay tahay dagaal soomaaliya nagu wado waxa lagu garanayaa waxa kas oo qayb galay ciidamadii imaaraadku u tababaray, kuwii maraykanku ku tababareen bali doogle ee loogu tala galay inay galgala ka dagaalamaan, waana la hayaa maxaabiistoodii, taasina waxay ka markhaati kacaysaa inaanu dagaalkani ku koobnayn majeerteeniya oo aanay lahayd awood ay somaliland ku soo doonteen balse uu yahay dagaal soomaaliya oo dadan.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa cadeeyey inay somaliland diyaar u tahay nabad galyo waxaanu yidhi “Anagu wali waxaanu diyaar u nahay nabadii, soomaaliya wada hadalkayagiina iyaga ayaa keenay mooshinkii oo yidhi maxay u nool yihiin somaliland ee ay heshiiska u galeen markaas ayaanu laalnay hadana diyaar ayaanu u nahay inkasta oo aanu ognahay inaanay meeshaas dawlad soomaaliya ahi ka jirto.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS