BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod U Qaaday Mooshin Laga Keenay Haamaha Shiidaalka Berbera
May 7, 2018 - Written by admin

Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday mooshin laga keenay shirkadaha maamula kaydka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.

aqalka wakiilada
Fadhi ay maanta yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi Md Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayey mudanayaashu ku diideen mooshin laga keenay kaydka haamaha shiidaalka.

Fadhiga maanta ee mudanayaasha golaha wakiilada somaliland oo ay ka soo qayb galeen 62 xildhibaan ayaa 49 ka mid ahi diideen mooshinka laga keenay haamaha shiidaalka, halka 7 xildhibaan diideen 6 xildhibaanada ka aamuseen, gudoomiyuhuna aanu codayn.

Golaha wakiilada somaliland ayaa hore u ansixiyey go’aanka shirkadaha gaarka

ah loogu gacan galiyey maamulka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera, wakhtigaas oo ay horkeentay xukuumadii hore ee madaxweyne Axmed Siilaanyo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS