Degdeg: Mid Kamida Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo Lagu Dilay Gobolka Sool
May 10, 2018 - Written by admin
Xoghayihii xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool Maxamed Barkhadle Cabdi ayaa caawa lagu hor dilay farmasi uu ku lahaa xaafada Daami ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
![breaking news](https://baligubadlemedia.com/bgm/wp-content/uploads/2014/08/breaking-news.jpg)
Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarla lagu dilay masuulkan ayaa warbaahinta u sheegay in niman qoryo ku hubeysan ay rasaas ku fureen kadibna ay ka baxsadeen goobta.
Goobta lagu dilay waxaa 150M u jiray saldhig booliis. Kiisaska dilalka ayaa kusoo badanaya magaalada Laascaanood iyadoo bishii hore dil toogasho lagu dilay ganacsade caan ka ahaa magaalada.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS