BALIGUBADLE MEDIA
DAAWO: “Viber Optic-ga Waxa Kaliya Oo Loo Ogolaaday Somcable Oo Uu Leeyahay Nin Si Qaawan U Taageera Kulmiye” Guddoomiye Cirro “
May 2, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa dul istaagay Khadka Internet-ka oo uu sheegay in xukumadda Kulmiye u diiday shirkaddo kala duwan oo keeni lahaa Berbera laakiin, ay u ogolaatay ninka leh shirkadda Somcable oo uu sheegay in uu si qaawan u taageero xisbiga talada haya ee Kulmiye. Waxa uu ku baaqay in xayiraadda laga qaado xadhkaha Internet-ka ee Golis iyo Telesom doonayaan in ay Berbera keenan loona sinnaado Somaliland iyo ganacsiga xorta ah ee tartanka ku salaysan.

COMMENTS