BALIGUBADLE MEDIA
Axmed Dhagax Iyo 31 May Waxay U Baahanyihiin Maayar Iyaga U Gaar ah “Faaladda Shabakadda”
May 4, 2018 - Written by admin

muddo hadda laga joogo shan sanno iyo jarjar ayaa ka soo wareegtay markii loo dareeray doorashadii golaha deegaanka caasimadda waxaanay wakhtigaas xilka kala wareegeen golihii deegaanka ee ka horeeyay kuwaas oo iyagu ka waayo aragsanaa kuwa wakhtigan jooga
marka laga yimaado fashilka baahsan ee dul hooganaya golaha deegaanka hargeysa iyo fulinoodaba waxa hadana meesha ka baxday waajibaadkoodii shaqo ee ay umadda u hayeen waxaaanay saddexdii xubnood ee fulintu isku badaleen calooshood u shaqaystaal aan cidnaba dan ka lahayn waxa ugu sii xun xaga musuqmaasuqa maayarka oo isagu kaalinta koobaad kaga jira islamarkaana aan cidnaba wax iskaga tirin islamarkaana waayay cidii xakamayn lahayd
top news

soltelko ayay u suurtagaleen qorshayaal fara badan oo musuqmaasuq waxaana ugu waawayn dhulka danta guud oo uu fara baas ku hayo iyo sidoo kale boobka hantoda umadda
imika waa uu ka sii daray waxaanu isku badalay budhcad wayn waxaanau dadka danyarta ah ku qabsadaa dhulkooda isagoo marlka dambena la qaybsadda ama xoog kaga qaada
ma jirto xukuumad la xisaabtanta masuulkan waxaanu gacantii ku dhigay madaxwaynihii oo adeerkii ah iyo wasiirka daakhliga oo isna aan waajibaadkiisa shaqo kula xisaabtamin

ma jirto meel umadda danyarta ah ee ka cabanaysaa uga cawdaan oo ka xakamaysaa maadaama oo uu gacanta ku dhigay masuuliyiintii ka sarsaraysay hadaba hargeysi waxan u baahantahay 4 maayar oo kala maamula degmooyinka caasimadda maadaama oo lagu fashilmay nidaamkii wax wada wadaaga caasimadda islamarkaana beelaha qaar dhulkooda danta guud uun la cuno islamarkaana lagaba saaray nidaamkii fulinta ee caasimadda waxa beelahaas la gudboon inay deegaanooda u tashadaan islamarkaana iska gaadhaan maayarka bahaloobay ee cid xakamaysana waayay ee siltelko

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS