BALIGUBADLE MEDIA
28 sanadood Ka Dib Xaalad Noocee Ah Ayuu Ku Sugan Yahay Gurigii Lagaga Dhawaaqay Madax Banaanida Somaliland?
May 8, 2018 - Written by admin

Mudo 28 sanadood ah ka dib shacabka somaliland ayaa u dabaal dagaya xuska sanad guurada 28aad ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay in somaliland ay madax banaanideedii ka luntay sanadkii 1960 dib ugala soo noqotay soomaaliya.

Guriga taariikhiga ah ee laga dhawaaqay madax banaanida somaliland oo ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa haatan ah mid uu  burbur xoogani ka muuqdo isla markaana aan waxba laga qaban mudadii ay somaliland jirtay.

Gurigan oo ah mid taariikhiya isla markaana u baahan in dayactir balaadhan lagu sameeyo ayaa noqon kara mid loo soo dalxiis tago isla


markaana si weyn loogu xusuusto go’aanka ay waxgaradkii somaliland ku gaadheen inay madax banaanida wadanka dib ugu soo celiyaan.

Gurigan ayaa mudadii ay somaliland jirtay aan wax dayactir ah lagu samayn, iyada oo masuuliyiinta  somaliland iyo wax garadkaba ay ugu dambaysay maalintii lagu soo xidhay shirkii lagaga dhawaaqay madax banaanida somaliland, iyada oo masuuliyiin badani isku dayeen in wax laga qabto ayaanay ilaa hada suura galin.

Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan(Qabo) ayaa wakhtigii uu gobolkaasi maamulayey ku dhawaaqay inuu dib u dhis iyo dayactir balaadhan uu ku samayn doono gurigaasi balse balanqaadkaas ayaan  ilaa hada fulin, iyada oo ay meesha ka baxday xukuumadii uu ka tirsanaa badhasaabkaas oo markii dambe noqday wasiirka qorshaynta qaranka.

Guud ahaan shacabka somaliland ayey tahay waajib dusha ka saaran in dayactir iyo dib dhis lagu sameeyo guriga taariikhiga ah ee lagaga dhawaaqay madax banaanida somaliland, kaas oo ah mid taariikhiya oo aan  ka go’i Karin quluubta shacabka somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS