BALIGUBADLE MEDIA
“18-ka May ee La Raray Shaki La’aan Waa Sharci Jebin” Prof Cabdi Cali Jaamac.
May 18, 2018 - Written by admin

Mid waa ta rabadaanta oo waxan Ilaahay ka baryayaa inuu Ramadaantan Ramadaanteeda kale inagu gaadhsiiyo nabadgalyo, caafimaad, iyo ACMAAL SAALIXA.

cabdi cali
Ta 18 May, markaan la tashaday sharci yaqaanada, waxan ku qancay shaki la’aan in la jebiyey xeer sharci markii loo soo raray Holiday-gii iyo munaasabaddii 15 May, halkii ay ka ahayd 18-ka May. Uguma jeedo ku xumayn, laakiin waxan doonayaa in aynu qirano in aynu jabinay sharci, maxaa yeelay ma aha markii ugu horraysay ee Somaliland sharci la jabiyo.

Qirashada ayaa ka horraysa in aynu iska ilaalino jabinta sharciga; haddii aynaan qiran, macnaheedu wuxu ka dhigan yahay wali qaflad baynu ku jirnaa; dee dad qaflad ku jirana ma odhan kartid sharciga ilaaliya; horta waxa ka horraysa inaad hurdada ka toosiso!!! Waxan uga jeedaa in aynu yara toosno (Wake-up) oo aan ogaanno in aynu sharci jabinay, maxaa yeelay wali maynaan gaadhin heerkii bisaylka ee sharci aynu ku dhaqmi lahayn. Ilaahow aanan qayrkayo ka hadhin; waa Qarnigii 21-aad!!!!!

Si kastaba ha ahaatee, waxan u malaynayaa in ugu yaraan aynu dhaadhi karno in aynu khilaafnay sharci dhan oo Barlamaan anxisiyay oo Madaxweyne saxeexay; dee haddii kale cay iyo ceeb bay noqonaysaa; haddii ay noqoto in aynu garawsan wayno; cid gaar ah farta ku fiiqi maayo; waayo marxaladdan waxa ii bannaan oo kaliya Tabliiqiyeyn illaa inta aynu gaadhayno marxaladda ku dhaqanka sharciga.

Sidaas darteed, anigu 18 May oo berri ah ayaan idin hanbalyayn doonaa ee i suga, wali may gaadhine. waa laga yaabaa dadka qaar inay yidhaahdaan maxaad u sheegi wayday intaan la xusin; runtii iimay suurogalin; laakiin haddana waxan is idhi ta danbeba ha looga faa’iidaysto; I mean May 2019.

Way ku mahadsan yihiin dadka gartay arrinkaas ee saddexda xisbiba ka tirsan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Falcelintiinaasi waa ta keenaysa in aynu deg-deg u noqonno ummad sharci ku dhaqanta, taasina waa maalinta aynu dhabbada horumarka cagta saari doono; Ilaahaw nala qabo; waa Rabadaan oo waanu af-xidhanahaye!!!!

Noolaada; Noolaada.

Tabliiqigaaga dawladnimada iyo horumarka ama your Civil society activist ustaad Abdo Ali.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS