BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo La Sheegay Inay Ku Dedaalayso Sidii Ay U Wiiqi Lahayd Shirweynaha Beesha Garxajis iyo Shakhsiyaadka Ay Adeegsanayso.
April 13, 2018 - Written by admin

Goobta loo asteeyey inuu ka dhaco shirweynaha Beesha Garxajis ayaa laga bilaabay Dhismayaal kala duwan oo lagu talogalay inuu shirku ka dhaco.

Gudida qabanqaabada shirweynaha garxajis oo todobaadkii hore dhagax dhigay Goobta Uu Ka Dhacayo Shir weynaha Beesha Garxajis waa Buurta Gacanlibaaxe, ayaa hadda waxa laga bilaabay Dhismayaasha hoolalkii shirka iyo Dhismayaal kale.

Dhanka kale ergooyinkii kasoo Qaybgelayey shirka Garxajis ayaa kusoo Qulqulaya Dalka , waxaana laga dareemayaa guud ahaanba dalka laydha qabanqaabada shirka beel weynta Garxajis.

Geesta kale Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo aan ku niyad samayn qabsoomida Shirkaa Garxajis, isla markaana sas ka qabta ayaa Ku howlan sidii ay u wiiqilahayd  shirkaa, iyadoo adeegsanaysa shakhsiyaad ku abtirsada beesha garxajis oo uu hormood u yahay Gudoomiye xisbiga ucid faysal cali waraabe, kuwaas oo Madaxweyne Biixi uu lacag  badan ku soo siiyey sidii ay dhantaali lahayeen shirkaa oo ay khilaaf gacan ku rimisa uga dhex abuuri lahayeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS