BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Muuse Biixi oo Xilli ay Faro Galin Baahsan Ku Hayso Xisbiga Waddani Ku Baaqday In Miiska Wadahadalka Lagu Dhameeyo Xudunta Khilaafka
April 11, 2018 - Written by admin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani in ay ku dedaalaan sidii ay khilaafka dhexdooda yaala ugu dhamaysan lahaayeen wada hadal.

kaahin

Maxamed Kaahin Axmed waxa uu tilmaamay in ay garab taagan yihiin xisbigaasi isla markaana aanay la jeclayn in uu khilaafkooda sii dabo dheeraado.

“Xisbiyadeenu in ay mudakar noqdaan baynu doonaynaa, daacayadna ka dhigi mayno, inagu kana faa’iidaysan mayno, ayaaman xoogaa khilaaf ah oo aad warbaahnta ka maqlayseen oo xisbiga wadani ah baa jira.

Walaalaheen Xisbgia Waddani waxa aan leenahay, xisbigu waa Hanti qaran, madaxdii ku soo tacabtay baad

tihiin, waxa aanu leenahay ha la ilaaliyo xisbiga Midnimadiisa” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka hadlaya Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyeyaasha Garabka Haweenka Ee Xisbgia Kulmiye.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay ka kulmiye ahaan wanaag uun kaga talo gali doonaan “Hadii aynu kulmiye nahayna arrintaas wax wanaag ah mooyaane wax kale kaga tashan mayno, waynu barbartaagnaanaynaa Xisbiga, Wixii ay inooga baahdaan ee taageero ahna waynu la barbar taaganahay oo dee xisbi guun ah oo soo jiray oo khilaafyadu meelaha ay maraan baanu nahay, diyaar baanu idiin nahay, idinkuna wiirsan mayno, idinkuna qosli mayno ee waxa aanu idin leenahay xisbiga ha lagu mintido” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS