Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Soo Saartay Warbixintii Afar Biloodlaha Ahayd Iyo Qodobada Lagu Soo Bandhigay
April 4, 2018 - Written by admin
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay maanta soo saartay war-bixin afar bilood leh ah oo ku saabsan xaaladda xuquuqal insaan ee Somaliland. War-bixintu waxaay ku sallaysan tahay xog ururin la sameeyey laga soo bilaabo 10kii December 2017 ilaa 31 March 2018. Mudadani waxaay ku soo beegantay iyada oo uu is-bedel ku yimi hogaanka Somaliland. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi yaa xilka loo dhaariyay 13 December 2017 kadib markii uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13kii November oo uu kula tartamay laba murashax oo ka socday xisbiyo mucaarad ah.
Mudada ay warbixintu ka hadlayso, waxa la xidhay 11 suxufi oo lagu kala xidhay gobolo kala duwan. Shan ka mid ah
dacwad ayaa lagu soo oogay (afar shantaas ka mid ah waa la sii daayay kadib markii ay bixiyeen ganaax, midna weli waa xidhan yahay), lix kalena waa la sii daayay iyada oo aan dacwad lagu soo oogin.
Todoba qof oo kale ayaa loo xidhay hadallo ay yidhaahdeen ama qoreen. Abwaan Niciima Axmed Ibraahim oo la xidhay 27 January 2018, waxa dacwad lagu soo oogay 4tii March. Waxa lagu eedeeyey hawlo ka dhan ah qaranka iyo ceebayn dal.
Sida ku cad eedda, waxa lagu haystaa Niciima qoraal ay ku qortay Facebook ga oo xeer-ilaalintu sheegtay inuu yahay mid wiiqaya “jiritaanka Qaranka JLS, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.” Eedda kale waxaay la xidhiidha “canbarayn qaranka JSL” loo gaystay, sida ku qoran eedda Xafiiska Xeer-ilaalinta. Dacwadda Niciima oo ka socota Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay bilaaban tahay 17kii March.
Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7 February ayaa isna weli xidhan. Waxa loo haystaa laba qoraal oo uu Facebook ga ku qoray. Sida ku qoran eedda xafiiska xeer-ilaalinta, Maxamed waxa lagu haystaa inuu “macno darro ku tilmaamay in Somaliland gaadho xuduudeheeda.” Waxa sidoo kale lagu haystaa inuu “meel kaga dhacay sharaftii iyo haybadii uu leeyahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi” sababta oo ah inuu u sheegay inuu yahay “madaxwayne local ah.”
Iyada oo ay caqabadahaasi jiraan hadana waxa madaxwaynuhu 26 December 2017 uu saxeexay Xeerka Booliiska. Arinkaas oo ah talaabo loo qaaday xagga horumarka. Xeerku wuxuu abuurayaa gudi madax-banaan oo looga cawdo booliiska. Sidoo kale xeerku wuxuu ogolanayaa in dacwadaha ka dhanka ah booliiska ay qaadaan maxkamadaha caadiga ah ee dalka (civilian courts). Wuxuu xeerku si cad u mamnuucayaa in xabad nool lagu rido dad shacab ah oo aan hubaysnayn. Haseyeeshee, waxa la dhaafay sadex bilood oo xeerku waajibiyay in lagu sameeyo gudida. Welina lama samayn gudidii sharcigu waajibiyay.
6dii February waxa Golaha Wakiiladu ansixiyay Xeerka Kufsiga iyo Dembiyada kale ee la xidhiidha. Xeerkaa soo hada horyaal Golaha Guurtida. Xubno ka mid ah Guurtida oo ka dooday 19 March ayaa qaarkood eedo ujeediyeen xeerka. Dadka dhibaatada kufsigu soo gaadho ayay weli haysataa caqabado sharci oo dhib ku ah gaadhitaanka caddaaladda.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa soo saartay 6di February Fatwo ay ku mamnuucday gudniinka fircooniga ah ayna ku ogolaatay wax loogu yeedhay “gudniinka Sunaha ah.” Go’aanka Wasaaraddu wuxuu waxyeello ku yahay dadaal mudo dheer loogu jiray in la cidhib tiro noocyada kala duwan ee gudniinka hablaha. Dawladda Somaliland waxaay u baahan tahay inay qaadato siyaasad ay ku cidhib tirayso gudniinka hablaha.
Guleid Ahmed Jama
Director of Human Rights Centre
Hargeisa Somaliland
\
Like this:
Like Loading...
COMMENTS