BALIGUBADLE MEDIA
Waxbarashaddu Waa Hubka Lagula Dagaalamo Faqriga Iyo Qabyaaladda “Wasiirka Waxbrashadda Somaliland”
April 13, 2018 - Written by admin

Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi (Qani) oo dhawaan booqday dugsiga suldaan Maxamed Faarax ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay waxbarashada oo uu sheegay inay tahay hubka lagula dagaalmi karo faqriga, gaajada iyo qabyaaladda.

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale ka hadlay taariikhda faca weyn ee dugsiga Suldaan Maxamed Faarax oo ku suntan halgankii taariikhiga ahaa ee dalka lagu xoreeyey iyo sidoo kale dib u xoraynta dalka.

Waxaana uu wasiirku ballanqaaday inay muhiimad gaar ah siin doonaan dugsigan iyo taakulayntiisa, sidoo kalena waxa uu sheegay inay kordhin doonaan dhismaha dugsiga kana fulin doonaan maktabad wax lagu akhristo, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Intii aan xilka hayay waa dugsigii koowaad ee waxbarasho ee aan imaado, dugsiga Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo taariikh weyn Somaliland weyn ku leh iyo halgankii dib u xoraynta, xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi waxa muhiimadda koowaad u ah waxbarashada, wasaaradda waxbarashada sayniska marka miisaaniyad ahaan la eego waa wasaaradaha ugu badan. Dalkan laba arrimood baa haysta midi waa fakhriga, gaajada iyo macaluusha iyo inaynu ku tiirsanaano wax debedda laga soo dhoofiyey oo dalka iyo dadkaba gaysay inaan horumar iyo korukac midnada aanu yeelan, ta labaad waa qabyaalad oo dadkii u kala qoqobtay darbiyo aan la arkay iyagoo dadku isku wada mid ah, ehel ah, qaraabo ah, isku dan ah, tiradoodu ay kooban tahay dhulkuna uu ka badan yahay. Arrinta qudha ee lagaga bixi karaa waa aqoonta, xabadda kaliya ee lagu dhufto qabyaaladda iyo gaajadu waa in aqoonta kor loo qaado, aqoonta maskax ahaaneed iyo mida jidh ahaaneed si qofku uu u garto waxa uu u baahan yahay halka uu u socdo iyo halka uu ka dhaqaaqayo, wasaaradda waxbarashada iyo saynisku dugsiyada ay noo soo qortay ee la kaalmanayo dugsigani waa ka mid, wixii kale ee aanu la qabanayno waanu la garab taaganahay hadh iyo habeen ba heegan baanu u nahay, in iskuulkani taabo qaado, dhismayaal qurux badan lagu kordhiyo, laybareerigii loogu talo galay la fuliyo, la balaadhiyo, baahiyiihisa kala duwana la daboolo, kolba inta aynu awoodno inagoo samaynayna waana ballan”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS