BALIGUBADLE MEDIA
“Wasaarada arrimaha Dibadda Ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu Waxay Samaynaysa Is-bedel Saammeyn Ku Yeelanaya Muwaadiniinta Somaliland…” Ambasador Baashe
April 30, 2018 - Written by admin

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka isu-taga imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil ayaa sheegay inay Wasaarada Arrimaha dibadda ee dalka isu-tagga imaaraadka Carabtu ay sameynayso is-bedel, kaas oo uu ku tilmaamay inay saameyn ku yeelanayso muwaadiniinta reer Somaliland eek u dhaqanka dalkaasi.

baashe cawil xaaji cumar

Sidaa waxa uu ku sheegay qar-gelin uu soo saaray Ambassador Baashe Cawil oo ay Heshay Shabakada Wararka ee Baligubadlemedia, waxaanu u dhigna sidan:
“Wargelin Muhiim Ah Oo Ku Socota Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Degen Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Safaarada Somaliland ay ku leedahay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu ku wargalinayaa muwaadiniinta Somaliland ee dalkan ku dhaqan in wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay samaynayso isbedel saameyn ku yeelan kara qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee ku dhaqan, Sidaa daraadeed waxay hay’addaha Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee arrimahani khuseeyaan ka wada shaqaynayaan sidii aanay muwaadiniintasi isbedelkaasi aanu dhib uga soo gaadhin.

Sida aynu la wada socono dowladda Imaaraadka Carabtu waxay ogolaatay in dalkeeda Lagu yimaado baasaaboorka Somaliland loona fiiseeyo.
Haddaba wixii war bixin ka soo korodha xafiiska Safaarada Somaliland ee dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa idla socodsiin doona oo diyaar u ah inuu gacan ka siiyo muwaadiniinta reer Somaliland.

Xafiiska Safaarada Somaliland Ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS