BALIGUBADLE MEDIA
wargelin:Kulan lagga soo hor jeedo wareejinta dekada berbera oo lagu qaban doon gobalka Minnesota ee dalka maraykanka
April 4, 2018 - Written by admin

Waxa lagu wargelinayaa bulshada reer Somaliland ee nool dalka maraykanka
gaara gobalka Minnesota iyo nawaaxigiisa inay ka soo qaybgalaan kulan mihiim ah
oo lagga soo horjeedo wareejinta dekada Berbera ee lagu wareejiyey dalalka
shisheeye taas oo meel dhaca ku ahi qaranimada iyo madaxbanaana dalka
jamhuuriyada Somaliland , sida darteeda waxaana marlabada si sharaf idinka
codsanaynaa ina aad naga soo qaybgashaan kulankaas oo ka dhinic doona
taariikhdu markay tahay 14-04- 2018 hoolka hoteelka safaari oo ku taal
Minneapolis Minnesota oo adreeskiisu yahay 3010 4 th Ave S, Minneapolis MN
55408 Time Saturday night : 9pm to 2am.
Sidoo kale waxa ka soo qaybgali doona aqoonyahanka reer Somaliland oo u ka
mid yahay professor Maxamud Cali Yusuf , Dr: Cabdilahi Nuur iyo hogaanka
jaaliyada reer Somaliland ee dalka maraykanka , goobta waxaana ka maqnayn
bahda fanka iyo suugaanta u hogaamiyo Dalmar yare iyo hidaha iyo dhaqanka
Minnesota goobtu waa bilaa lacag kaliya waxa bulshada loo baahan yahay inay
wakhtiga dhowraan .
Wixii faahfaahin waxa kala soo xidhiidhan aqoonyahan Khadar Ahmed Suufi
Telephone: 612-636- 3048 ama cinwaanka Email: [email protected]
Alla Mahadleh

COMMENTS