BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Markii Ugu Horaysay Yeelatay Madaxwayne U Kala Abtiriya !!!
April 1, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha aan xukuumadiisa loo dhamayn ee beeshiisu buux dhaafisay manaasiibta iyo manaafiicda  dalka kornayl biixi ayaa markale sidii caadada u ahayd soo saaray liisto magacaabisa oo ay buux dhaafisay beesha uu ka soo jeedaa.

muuse biixi
kornayl biixi oo ah askari ka aradan nidaamka dawladnimadda ayaa mudadii uu kursiga fadhiyay hoos u dhac wayni ku yimi nidaamkii iyo meeqaamkii heerkiisu sareeyay ee dawlanimadda somaliland waxaanu u muuqdaa inuu kornaylkani yahay kii somaliland gacantiisa ku baxaysay islamarkaana nidaam qabyaaladeed ku kala dhaqaajinayay bulsho waynta ku dhaqan dalka

waxa mudada gaaban ee uu kornanaylkani kursiga fadhiyay laga dheehanayaa jaahwareer baahsan oo ku habsaday dalka nidaamkii qabyaaladda oo kor u kacay islamarkaana hoos u dhigay nidaamkii wadajirka iyo dawladnimadda somaliland

Kornayl Biixi oo SIdii Caadada U Ahayd Markale Soo Saaray Daraasiin Magacaabisa oo ay Buux Dhaafisay Beeshiisa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS