BALIGUBADLE MEDIA
Soltelco iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka Ah oo Kulan La Qaatay Uurcadde iyo Arrimo Xasaasi Ah oo Ay Kala Hadleen.
April 13, 2018 - Written by admin

Warar iyo xogo kala duwan ayaa tibaaxay inay masuuliyiinta ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa ay qandaraas ku soo qaateen sidii ay xisbiga WADDANI u burburin la hayaan, iyagoo adeegsanay ashkhaash ka tirsan xisbiga Waddani ama xilal ka haya waxaana kamid ah masuuliyiinta ay u adeegsanayaan ee ka tirsan xisbiga waddani Xoghayaha Uurcade .

Xogahan aanu ka helnay illo wareed-yo rasmi ah, ayaa sheegay in khilaafkan uu abuuray Xoghayahe Urcade ay dabada ka riixayaan xubno ay xukuumaddu u igmatay oo hormood u yahay maayar soltelko xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo nin magaciisa lagu sheegay

Waxa kale oo xoguhu intaas ku dareen in xubnahani ay kulamo la yeesheen Xoghaye u Uurcade, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen kuwo ay ku dhisayeen xeelado cusub oo la doonayo in khilaaf looga dhex huriyo WADDANI  iyadoo ay ku dhiirigeliyeen Xoghayaha u Uurcade nuxurka sida uu u waddo Howsha ay u  igmadeen.

Docda kalen xubnahan la sheegay inay kulanka ay la yeesheen Uurcade ay u dhiibeen qadar lacageed oo ay ugu talogaleen inay qayb ka noqoto dedaallada kor loogu qaadayo dhaq-dhaqaaqyada xisbiga ka dhanka ah.

Geesta kalena xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa u tafaxaydatay sidii ay u burburin lahayd xisbiga waddani, waxaanay hadda ka dhex curisay xisbiga waddani  khilaaf ay qarash ku bixinayso iyadoo adeegsanaysa xubno xisbiga ka tirsan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS