Sii Daynta Degdega ah ee Cismaan Buurmadaw oo Badka Soo Dhigtay Cadaalad Darrada Iyo Kala Saraynta Ka jirta Somaliland.
April 21, 2018 - Written by admin
Xadhigii Iyo sii dayntii saacaduhu u dhexeeyeen ee Boqor cismaan Buurmadaw ayaa badka soo dhigay kala Saraynta Xuquuqeed ee Beelaha Somaliland iyadoo ay cadaatay in beelo kaliya loo adeegsado cabudhin Iyo cagajuglayn gaar ah islamarkaana uu sharciga la sheegaa uu iyaga qabto
Beelaha sida gaarka ah birmagaydadooda loo xidhiidhi waxa kamid ah Beelaha Arab iyo gerxajis kuwan oo shuyuukhdooda Iyo haldoorkooduba xabsiyada Ku muddo dhaafeen
Dadka birmagaydada ah ee xabsiyada Ku jira waxa kamid ah sheekh aadan cabdirahmaan warsame oo muddo Sanad ah iskaga jira jeelasha iyadoon wax maxkamafda la horgayn
Waxaana halkaas ka cadaatay gumaysi beeleed ka dhex Qarxay Somaliland kuwaas oo beelo gaar ah sharafta iyo sumcada birmagaydadooda lagaga qaado xadhig iyo cabudhin halka madaxda beelaha kale siday doonaan u dhaqmaan islamarkaana aan wax xadhig ah loola tagin
Isku soo wada duuboo waxa Beelaha dugsanaya Sharci daradda Iyo cabudhinta Lagu hayo La gudboon inay fadhiga kakacaan islamarkaana ay iska ridaan maamulka cadaalad darrada,eexda iyo xaqdaradu buux dhaafisay ee ka jira Somaliland
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS