BALIGUBADLE MEDIA
Sacad Cali Shire oo Ku Gacan Saydhay Hadalkii Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta
April 20, 2018 - Written by admin

Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada ee Dawlada UAE oo u waramayay Laanta Afka Carabiga ee BBC-da ayaa markii ugu horeysay sheegay in dawladoodu ixtiraamayso Midnimadda Wadanka Soomaaliya.
sacad huuhaale
waxa uu soo qaatay heshiiska DP World iyo dawladda Somaliland dhex maray ee salka ku haya Maal gelinta Dekeda Berbera, waxaanu xusay in ay marka hore kala hadleen Dawladda Federaalka Soomaaliya, sidaasna ay ku yimaadeen Dekeda Berbera, hasayeeshee aanu jirin xidhiidh ay la sameeyeen Somaliland.

hadaba Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa markii Ugu horeysay waxba kamajiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Dawlada federaa lka soomaaliya iyo Imaaraadka carabtu ay ka wada hadleen xidhiidhada ku saabsan maal gelinta dekeda berbera.

Waxa aan kaga hadlay cilaaqaadka Inaga Dhaxeeya (Somaliland) iyo imaaraadka carabta, heshiisyadda aynu galnay inaga iyo Dp World, waxaanan runtii ka war bixiyay in heshiisyadda aynu galnay ay ka qayb ka ahaayeen inaga (Somaliland) iyo iyaga (Imaaraadka Carabta) oo aanay jirin cid saddexaad, sidii baraha bulshadaba ku jirtay maalmahan.Waxa uu Dr. Sacad cali shire xusay in ay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu si toos ah u wada xidhiidheen.

Arrintaasi waa arrin waadax ah, cid kale oo saddexaad oo awood u leh in ay heshiisyo la gasho amuuraha Somaliland horta ma jirto’ ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire oo u waramayay SLNTV

Waxa uu xusay in aanay waxba ka jirin in heshiiska Dp World ay kula wareegayso maal gelinta dekeda Berbera ay soo saxeexday dawladda Federaalka Soomaaliya

Waxa aan doonayaa in dadka u sheego in heshiisyadii aanu imaaradka carabta la galnay in uu qayb ka ahaa madaxweynihii hore ee soomaaliya anagu inta aanu ognahay ma jirto cid kale oo ka qayb ahayd” ayuu yidhi wasiir sacad cali shire

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS