BALIGUBADLE MEDIA
Ruushka oo Danaynaya Inuu Somaliland Ka Dhisto Saldhig Milatari Iyo Deked Cusub + Magaaladda uu Doonayo Inuu Ka Samaysto
April 3, 2018 - Written by admin

dawladda ruushka ayaa danaynaysa inay saldhig milatari iyo deked cusub oo ay ka dhoofiso gaasta dabiiciga ah ee ethiopia ka samaysato magaaladda saylac.

topnews

wafti ka socda dawladda ruushka ayaa maalmihii u dambeeyay hargeysa u joogay arimahan iyagoo kulamo kala gadisan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda somaliland islamarkaana u bandhigay damaca kaga jiro dekedo iyo saldhigyo ay ka samaystaan somaliland.

lama garanayo waxa ka soo baxay kulamadaas balse ilowareedyo baligubadlemedia helayso ayaa sheegaya in qorshan balaadhani yahay mid ay wataan dawladda ruushka iyo xulafadeeda kuwaas oo gaadhaya afatameeyo dal oo dunidda ka tirsan islamarkaana waxay dawladda ruushku qorshaysay in hadii qorshahan ay wadato ka hirgalo somaliland ay aqoonsi caalamiya siin doonaan wadamo afartameeyo gaadhay oo qaarkood kamid yihiin wadamadda dunida ugu dhaqaalaha badan kuwaas oo ku jira isbahaysiga ay xulafadda yihiin dawladda ruushka

wararka ayaa intaas ku daraya in dekedda cusub ay dawladda ruushku ku bixin doonto lacag gaadhaysa 250 milyan oo dolar lacagtaas oo saylac lagaga dhisi doono deked cusub oo dawladda ruushku ku yeelato somaliland waxa kale oo sida qaar kamida warbaahinta dunidu baahiyeen dekedaas laga dhoofin doonaa gaasta dabiiciga ah ee ethiopia iyadoo sidoo kale dawladda ethiopia ku yeelan doonto saami gaadhaya 35% (boqolkiiba shan iyo sodon)

isku soo wada duuboo ilaa hadda ma cadda jawaabta xukuumadda somaliland ka bixisay dalabka uga yimi dalwaynaha ruushka ee kamida awooda ugu waawayn ee ku loolamaya dhaqaalaha dunidda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS