BALIGUBADLE MEDIA
Real Madrid iyo Bayer Munchen oo U Soo baxay Afar Dhamaadka Champion legue iyo Wacdirihii Kooxuhu Soo Bandhigeen
April 12, 2018 - Written by admin

Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid ayaa si cidhiidhi ah ugu soo baxday wareega afar dhamaadka ee tartanka Champion League ka dib markii ay kooxda Juventus kaga badisay sadex gool iyo hal, iyada oo kooxda Real lugtii hore ee ay la yeelatay kooxda reer Talyaani haysatay guul sadex gool iyo waxba ah.

Kooxda Juventus oo marti ku ahayd garoonka kooxda Real Madrid ayaa dedaal badan oo ay samaysay waxa u suura gashay inay keensato sadexdii goo lee lugtii hore lagaga soo dhaliyey garoonkeeda, taas oo ciyaarta ka dhigtay barbar dhac min sadex gool


ah.

Ciyaaryahanada Mario Mandzukic oo laba gool dhaliyey iyo Blaise Matuidi oo hal gool dhaliyey ay kooxdooda Juventus u horseedeen inay iska soo bado goolashii hore ee lagu lahaa.

Sagaashankii daqiiqadood ee loogu tala galay ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay guul sadex gool iyo waxba ah oo ay kooxda Juventus ku hogaaminayso balse sadex daqiiqo oo lagu daray ayey kooxda Real daqiiqadii ugu dambaysay loo dhigay gool ku laad toos ah, iyada oo garsooraha ciyaarta dhex dhexaadinayey uu go’aansaday in khalad lagu galay ciyaaryahanka Vasgas ee kooxda Real.

Buuq ka dhashay khaladka uu garsooruhu ku qabtay kooxda Juventus ayaa keenay in kaadhka cas loo taago goolhayaha Buffon oo ku si xun uga cadhooday go’aanka garsooraha.

Weeraryahanka Christiano Ronaldo ayaa gool u badalay rikoodhaha loo dhigay kooxda Real Madrid, kaas oo suura galiyey inay kooxdiisu u gudubto wareega afar dhamaadka Champion League.

Dhinaca kale kooxda ka dhisan dalka Jarmalka ee Buyern Munich ayaa iyaduna u soo gudubtay wareega afar dhamaadka champion League ka dib markii ay barbar dhac goolal la,aan ah isla dhaafi waayeen kooxda Seville ee dalka Spain.

Kooxaha kala ah Roma, Liverpool, Real Madrid iyo Buyern Munich ayaa noqday kooxaha iskugu soo hadhay wareefa afar dhamaadka ee tartanka Champion League.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS