BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Cusub ee Dalka Itoobiya oo Gaadhay Magaalada Jig-Jiga.
April 7, 2018 - Written by admin

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia, Dr Abiy Ahmed ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegey magaalada Jigjiga kadib markii uu la wareegay talada dalka Ethiopia.

aby ahmed

Dr Abiy ayaa magaalada Jigjiga wadahadalo kula yeeshay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Rai’sal wasaare Abiy oo ay weheliyaan madax ka socota dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan odoyaal dhaqameedyada Soomaalida, si ay uga wadahadlaan xasiiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Dr Abiy Ahmed ayaa dhowaan loo dhaariyay ra’iisul wasaaranimada dalka Ethiopia kadib markii uu si kadis ah isu casilay Haile Mariam desalegn

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS