BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Ka Jira Inuu Muuse Biixi Istiqaaladdii Ka Diiday Agaasimihii Qorshaynta ee Todobaadkii Hore Iscasilay??
April 20, 2018 - Written by admin

Warar iyo xoggo uu wargeyska Somalilandtoday ka helayo ilo wareedyo ku sugan qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu diiday inuu aqbalo warqad iscasilaadda Agaasimihii wasaarada qorshaynta qaranka Cabdi Cali oo todobaadkii hore dabayaaqadiisi iska casiley Xilkaasi.

dhataqlayaal

Waxa kale oo xoguhu xuseen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ka gows adagay inuu aqbalo warqad iscasilaada Agaasime Cabdi Cali, waxaanu madaxweynuhu ku Adkaystay inuu kamid ahaado Cabdi Cali xukuumaddiisa, isla markaana uu howlaha qaranka haraatiisa qabto.

Dhanka kalena waxay xoguhu sheegeen in aqoonyahan Cabdi Cali oo ku adkaystay iscasilaadiisa isagoo ku gacan saydhay inuu aqbalo dalabka Madaxweyne Biixi, waxaanu wacad ku maray in aanu marnaba aqbalayn inuu ka laabto Go’aankiisa

Geesta kalena ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan amuurtan oo kasoo baxay labada dhinac, marka laga yimaado xoggahaasi sheegaya inuu Madaxweyne Biixi uu ka diiday inuu la aqbalo istiqaaladiisa Agaasimihii Qorshaynta Qaranka Cabdi Cali , halka uu Cabdi Cali uu ku Adkaystay iscasilaadiisa.

Source: Somaliland Today

COMMENTS