BALIGUBADLE MEDIA
Maayar Soltelko oo Tufaxaytay Xaraashka Hadhaaga Dhulka Danta Guud ee Caasimadda
April 19, 2018 - Written by admin

Hargeysa (BGM) Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soolteelko) ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay xaraashka dhul dan guud ah oo ku yaalla xaafadda Masallaha ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

soltelko ayaydhalay

Dhulkan oo ah dhul afar baloog ah oo hore loogu qoondeeyay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP xilligii Maayar Jiciir hoggaaminayay golaha deegaanka ee Caasimadda, ayaa la sheegay in Maayar Soolteelko qorshanayo sidii uu danihiisa shakhsiga uga faa’iidaysan lahaa.

Tallaabadan uu Maayarku ku xaraashayo dhulkan danta guud ee xaafadda Masallaha ayaa waxa dareenno kala duwan ku qaabbilay bulshada ku dhaqan caasimadda iyo gaar ahaan deegaanka Axmed-Dhagax, iyaga oo kuwo badanina ku macneeyay tallaabo uu Maayarku ku wiiqayo dhulka kooban ee ka sii hadhay dhulkii danta guud ee caasimadda.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Md. Juxa oo Dawladda dhexe wakiil uga ah Dawladda Hoose ayaa u muuqda mid aan si buuxda u gudanaynin kaalintiisii xoghayenimo, isla markaana jeebadda ugu dhacay Maayarka caasimadda.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dhulka oo Dhulka danta guud u qaabbilsan Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dawladaha Hoose ee dalku hoos yimaaddaan ayaan ilaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin dhaqdhaqaaqyada badheedhka ah ee Maayarka caasimaddu ku xaraashayo hadhaaga dhulka danta guud.

Waa markii labaad ee Maayar Soolteelko uu isku dayo xaraashka dhulkan, iyada oo uu hore isugu dayay inuu xaraasho xilligii ay Xukuumaddii Siilaanyo talada dalka haysay, bal se ay u suurtgali weyday kadib markii Xukuumaddii wakhtigaasi ganafka ku dhufatay in dhulka WFP sifo shakhsi ah looga faa’iidaysto.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi talada dalka hayo muddo afar bilood ah, iyada oo tanina toos uga hor imanayso ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa inuu la dagaallami doono Musuqmaasuqa, waxaana isha lagu hayn doonaa halka ay arrintani ku biyo shuban doonto iyo mawqifka Madaxweyne Biixi iska taagi doono.

Halkan Hoose Ka Akhriso go-aankii Xukuumadii madaxwayne siilaanyo ka soo saartay dhulka

warqad wfp

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS