BALIGUBADLE MEDIA
Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Oo Ka Baxsaday Saxafiyiin Su’aalo Weydiiyay –
April 11, 2018 - Written by admin

Maareeyaha hay’adda Duulista Iyo Maamulka Garoomada diyaaradaha Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa maanta kulan la yeeshay guddida dabo galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee golaha wakiiladda Somaliland.

rodol

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ay warbaahintii xarunta ku sugnayd u holatay in ay wax ka weydiiso maareeye Rodol bal waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadleen guddidaasi.

Cabdi Maxmed Rodol ayaa orod ku dhaafay Saxafiyiintii Goobta ku sugnayd, waxaana uu ku gaabsaday in ay ahayd yeedhmo kali ah balse ay waydiiyaan guddidii uu kula kulmay waxyaabihii ay ka wada hadleen

“iyaga ayaa ii yeedhayoo kulancaadi ah buu ahaa, iyaga ayaana idiin faahfaahin doona” ay uu isaga oo soconaya uu yidhi.

Mid ka mid ah suxufiyiinta ayaa waydiiyay bal in uu jiro wax musuqmaasuq ahi, maadama ay u yeedheen guddida dabo galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiiladda Somaliland “Mayee waxa ay ahayd xog waraysi guud uun” ayuu si kooban u yidhi.

Mar la waydiiyay bal halka ay ku dhacaan lacagaha laga qaado dadka wata  baabuurta soo gasha garoonka diyaaradaha , Maareeye Rodol isaga oo si degdeg ah u fuuliay baabuurkii uu la socday ayaa waxa uu ku jawaabay “Khayrbaynu isku ognahay” ayuu yidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS