BALIGUBADLE MEDIA
Komishanka Doorashooyinka oo Markale Muran Galiyay Mudane ay u Sheegeen Inuu Isagu Xaq u U Leeyahay Buuxinta Boos Ka Banaanaaday Golaha Wakiiladda
April 24, 2018 - Written by admin

Kalsoonida Lagu qabi Karo guddida doorashooyinka somaliland ayaa hoos u dhac wayni Ku yimi kadib markii ay markale Muran galiyeen xuseen Axmed caydiid inuu isagu xaq u leeyahay buuxinta boos ka banaanaaday golaha Wakiiladda somaliland

Kadib markii muran baahsani Soo kala dhex galay xuseen axmed caydiid iyo wasiir Ku xigeenka warfaafinta oo Isku boos xiga ayay dhawaan komishanku xuseen Ku wargaliyeen xuseen axmed caydiid inuu isagu booskaas saw u leeyahay islamarkaana ay u gudbinayaan shahaadadiisa shirgudoonka golaha wakiiladda

Balse Warar maanta soo cusboonaaday ayaa baligubadlemedia u xaqiijiyay in komishanka doorashooyinku markale muran galiyeen booskii islamarkaana ay magacyadda saddex xubnood u gudbiyeen maxkamadda

Si kastaba ha ahaatee labac labac laynta komishanka ayaa Soo ddajinaysa kalsoon darro lagu qabi karo komishanka doorashooyinka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS