BALIGUBADLE MEDIA
“Inqilaabka Ka Socda Xamar Waxaa Dhinac Socda Mid Lala Maagan Yahay Somaliland” Cali Warancadde.
April 7, 2018 - Written by admin

Inqilaabka ka socda Xamar waxaa dhinac Socda mid lala maagan yahay Somaliland, oo ay Gacan ku leeyihiin Dowlado shisheeye oo qayb ka ah Inqilaabka hubeysan ee ka socda Maamulka Muqdisho dhexdiisa.

Dowlada Qadar waxay si indho la’aan ah ugu dhex hurineysaa Geeska Africa iyadoo Garab ka helaysa dowlado kale oo ay xulafo ku yihiin Dagaalka khaliijka colaad foolxun

Waxaa xusid mudan in Boqorka Qadar isla maalintii la saxeexay heshiiskii berbera ee dhexmaray somaliland iyo imaaraadka waxa uu si degdeg ah ugu soo magacaabay Somaliya Mudane Hassan Hamza Hashim in uu noqdo (Extra-ordinary Ambassador) Ninkaasi oo ah khabiir weyn oo ku Takhakhusay howlaha kharbudaada iyo dagaalada Sokeeyaha sida loo farsameeyo in badana ku dhex jiray qulqulatooyinka Afqaanistaan.

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa bulshada reer Somaliland in ay indhaha ku hayaan hagardaamooyinka Maamulka Somalia iyo xulafadiisu u soo maleegayaan Reer Somaliland kana foojignaadaan

Allah Mahad leh

Ali Mahamed Waranade

COMMENTS