BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiiladda Somaliland oo Cod Gacan Taag ah Ku Meelmariyay Miisaaniyadda Sanadka 2018
April 8, 2018 - Written by admin

Fadhigii Saaka ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ay mudanayaashu cod aqlabiyadd ah ku meel mariyeen Miisaaniyadda 2018-ka ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay dhawaan hor keentay Golahaasi.

Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 50 Mudane ayaa waxa 47 xildhibaan ay u codeeyeen in miisaaniyadda la ansixiyo, Laba Mudane ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay, sidaas ayaanay saaka ku ansaxday Miisaaniyadii 2018.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Golaha Wasiiradda oo la hor keenay miisaaniyadaasi ay soo ansixiyeen, waxaana loo soo gudbiyay golaha wakiiladda oo iyana ansixiyay saaka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS