BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Shacabka Soomaaliya oo Maanta Si Rasmiya U Doortay Gudoomiye Cusub + Waa Kuma?
April 30, 2018 - Written by admin

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub, ka dib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay Guddoomyihii hore ee Xilkaasi hayay Maxamed CabdilaahI Jawaari.

mursal

Guddoomiyaha Cusub ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ku guulaystay Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan oo helay codad gaadhaya 147 cod, halka ninkii kula tartamayay oo ahaa Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo uu helay 118 cod.

Taariikhda Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

33, 41); font-size: 14px; text-align: justify;”> Maxamed Mursal Abdirahman: dabayaaqadii kontomaadki waxa uu ku dhashay magaalada Baydhabo, Gobolka Baay. Waxbarashadiisa hoose waxa uu kusoo qaatay dalka gudihiisa. Waxa uu ku takhasusay sharci dejinta iyo nidaamka sidoo kale waa khabiir ku xeel dheer gaashaan dhigga iyo waxkasta oo ciidaminta halmaala.

Khibradaha Shaqo:
1. Wasiirki Kheyraad iyo Tamarta
2. Safiirki Jamhuuriyada Somalia u fadhiyay Dalka Turkey
3. Xubin ka tirsan Baarlamanka 10aad ee DFS
4. Wasiirki Howlaha Guud & Guryeynta
5. Gudoomiye ku xigeenki degmada
6. Wasiirki Gaashaan dhigga
Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS