BALIGUBADLE MEDIA
“Duqa Hargeysa Waxaan Leeyahay Madaxweynaha Karaamada Ha Ka Qaadin Is Casil” Ugaas Cabdirisaaq – Halkan hoose kaga bogo warkaas oo
April 11, 2018 - Written by admin

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali ayaa u soo jeediyay duqa Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid in uu xilka iska casilo, maadaama buu yidhi uu ku fashilmay xilkii uu qaranka u hayay.

duqa uraaye

Sidoo kale waxa uu xusay in golaha deegaanka ee Hargeysa ay dhamaantoodba gabeen hawlihii ay qaranka u hayeen, waxaanu yidhi “Magaaladda Hargeysa Waa Caasimadii Somaliland golaha deegaankuna waxa uu joogaa muddo shan shano ah, mana muuqato ilaa iminka wax ay ka qabteen caasimadda.

Markaa maanta wixii ay shan sano ku qaban kari waayeen ilama ah in ay ku qaban karaan mudada kooban ee u hadhay.

Waxaanan leeyahay golaha deegaanka wixii la idiin igmaday run ahaantii maydun qabanba dhamaantiin, si gaar ah duqa Caasimadda Hargeysa, waxa aan leeyahay Cabdiraxmaanoow wixii laguu igmaday ma haysid, laakiin waxan aad qabato ee aad qaranka u qabato anigu ma garanayo” ayuu yidhi

Waxa kale oo uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Iminkana waxaabad samaysatay Xildhibaan Afhayeen kuu ah oo marka kelmad lagu yidhaahdoba isagii hadlaya oo halkan jooga, Xildhibaankaasina in uu garto sidii uu ku yimid bay ahayd ileen wixii waad u siman tihiinoo ocod buu ku yimide, islaan yar oo tamaandho iibinaysa ayaa hadlaysa oo odhanaysa waxba la iima qaban, isagii halkan soo taagan oo u ujawaabaya” ayuu yidhi.

Waxa uu gunaanadkii u soo jeediyay duqa Hargeysa in uu xilka iska casilo “Waxa aan leeyahay Mayorka Hargeysa waar shaqadii laguu dirtay ma haysid iska tag oo is casil mayor cabdiraxmaanoow.

Anagana karaamada ha naga qaadin oo dacwadaada ayaa maalin walba na soo gaadhaysee, madaxweynaha qarankana karaamada ha ka qaadin ee meesha isaga tag” ayuu ku soo koobay hadalkiisa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS