BALIGUBADLE MEDIA
Dp World oo Markale Digniin Culus Hawadda U Marisay Dawladda Jabuuti
April 10, 2018 - Written by admin

Sharikadda Maamusha Dekadaha ee DP World ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynaayo heshiiska ay DP World iyo Dowladda Jabuuti wada galeen.

dp world

Warbixin ay soo saartay shirkadda ayey ku sheegtay in haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u leedahay in ay dacweyso islamarkaana sheegto bur bur hantiyadeed in loo geystay.

Waxaa Warbixinta ka soo baxday DP World lagu sheegay in iyada oo kaashaneysa hay’adda dhinaca Sharciga ee DCT, ay dacwad ka dhan ah Dowladda Jabuuti ka furayaan Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Shirkadda PIL oo lagaleeyahay dalka Singapore ay heshiis kula gaartay maamulka Dekadda Dooraale kaddib markii bishii hore ay j ebisay heshiiska DP World ay ku maamuleysay dekaddaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa DP World ku eedeysay in ay la wareegtay qeybta go’aan gaarista Dekadda Dooraale iyada oo leh saami la eg 33%,halka ay 66% leedahay Dowladda Jabuuti,taasina aysan sharci ahayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS