BALIGUBADLE MEDIA
Djabouti Oo Ciidamada Maraykanka Ka Joojisay In Ay Hawada Dalkaasi Carbis Ku Sameeyaan
April 8, 2018 - Written by admin

Dawlada Jabuuti ayaa ciidamada Mareykanka ee dalkeeda joogaka joojisay hawlgalada hawda ee ciidamadu ku sameeyaan hawda ka dib markii ay dhawr shil oo diyaaradeed ay dhaceen
carbis
Laba diyaaradood oo ah kuwa military-ga oo mareyanku leeyahay ayaa todobaadkii la soo dhaafay dhacay , kuwaas oo mid ka mid ahi ay ku dul burburtey madaarka caalamiga ah ee dalka Jabuuti

” Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti jooga waa la hakiyey hawlgaladoodii , waana laga joojiyey carbiskii ay sameyn jireen , ka dib markii shilal kala duwani ay ka dhaceen hawda Jabuuti ” sidaasi waxaa yidhi taliska ciidamada Mareykanka ee dhexe .

Dawlada Jabuuti ayaau dirtey dawlada Mareykanka Taar Diblomaasiyadeed oo ay ku war galineyso inay joojiyaan hawl galada Hawda ee Djabuuti , ka dib shilaalkaas dhacay , talabadaas ayaa uu Mareykanku she egay inay fuliyeen .

Salaasadii ayay mid ka mid ah diyaaradahani ku burburtey Madaarka Jabuuti lakiin duuliyihii ayaa ka bad baadey , waxaana laga daweeyey dhaawacyo fudud , isla maalintaas galinkii danbe diyaar kale oo Helicopter ah , ayaa ay dhaawacyo gaadheen iyada oo ku degaysay madaarka Carta , mana jiraan wax dhaawacyo ah oo gaadhey duuliyihii diyaaradaaas

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS