BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Imaaraadka oo Saldhiga Milatari ee ay Ka Dhisanayso Berbera Kaga Duuli Doonta Xuutiyiinta Yaman + Khataraha Ku Gedaaman
April 9, 2018 - Written by admin

Wakiilka Somaliland u joogga Magaaladda Dubai ee Isu Tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa sheegay in Saldhiga Milatari ee Magaaladda Berbera laga siiyay Imaaraadka carabtu uu noqon doono Saldhig Ay Dawladaasi kaga duusho Dalka Yemen oo uu dagaal xoog badani ka socdo.

baashe cawil

Baashe Cawil oo waraysi gaar ah siiyay Laanta Afka Ingiriisiga ee Bbcda ayaa Sidoo kale waxa uu xusay in imaaraadka carabtu ay ka shaqayn doonaan sidii ay u sugi lahaayeen amniga xeebaha Somaliland.

“Waxa ay imaaraadku ilaalin doonaan Xeebaha Somaliland, waxaanay noo tababari doonaan ciidamada kala duwan.

Waxa ay sidoo kale saldhiga milatari ee Berbera ay kagaduuli d oonaan dalka Yemen oo ay ka socdaan Dagaalo” ayuu yidhi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS