BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Soomaaliya Oo Xafiiska Qaramada Midoobay Ee UNSOM Ku Eedaysay Inuu Sii Hurinayo Xaalada Siyaasadeed Ee Muqdisho –
April 1, 2018 - Written by admin

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Abubakar Cismaan oo dhawaan golaha ammaanka u gudbiyay qoraal ka dhan ah saldhiga milatari ee UAE ay ka dhisanayso Berbera, ayaa waxa kale oo uu eeddo u jeediyay xafiiska UNSOM ee uu madaxda ka yahay danjire Michael Keating.

unsom

Ergayga Soomaaliya, ayaa inkastoo aanu soo hadal qaadin ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxuu haddana u diray farriin dad dad  ban oo ahayd inaanu sii holcin xaaladda Somaaliya. “Waxaanu aad

uga walaacsanahay madaxda sare ee xafiiska UNSOM ee Soomaaliya inay mararka qaarkood soo saarayaan qoraalo khalad ah inta lagu gudo jiro mawaadiicda siyaasadeed ee Soomaaliya.” Ayuu yidhi ergayga Soomaaliya Mr. Abuubakar, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa nagu  qastay golaha ammaanka iyo Soomaaliya natiijada taban ee ka dhalatay warbixinahaas.”

Ergayga Soomaaliya oo farriin dirayaa wuxuu yidhi  “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka UNSOM in ay waajibkooda u gutaan sida awoodahooda ku xusan, isla markaana ay ka fogaadaan dab ku shididda iyo qaska la xidhiidha arrimaha siyaasadda, taasi oo dhibaateyn karta dadaallada ay waddo xukuumadda ee soo celinta nabadda iyo xasiloonidda siyaasadeed.”

Soomaaliya ayaa la aaminsanyahay inay ka cadhootay warbixin uu danjire Michael Keating golaha ammaanka u jeediyay bishii November ee kal hore, taas oo uu ku sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay danaha guud ka horumarinayaan danaha qabaailka ah amaba kuwa shakhsiyeed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS