BALIGUBADLE MEDIA
Dadka Oromada Ah Ee Ku Sugan Deegaanada Somaliland Oo Dib Ugu Noqonaya Dalkooda Itoobiya
April 8, 2018 - Written by admin

Magaalada Hargeysa maalmihii u danbeeyey waxa saxmad badani ka jirtay goobah alaga raaco gadiidka taga dalka Itoobiya.

Saxmadda dadka ayaa badatay kadib markii ay dadka Oromada ah ee ka soo jeeda dalkaasi Itoobiya ay u xadho xidheen in ay tagaan dalkoodii. Dadka Oromada ah ayaa dib ugu noqonaya dhulkoodii ay markii hore ka soo carareen.

news

Oromada ayaa inta badan magaalooyinka Somaliland ku noolaa iyaga oo ka qaban jiray shaqooyin badan bal se hadda waxa durba la dareemay shaqooyinkii ay magaalooyinka ka qaban jireen oo ay kamid ahaayeen caseynta kabaha, maydhista gaadiidka, jarista timaha iyo hayta suuliyada ay hadda banaan yihiin.

Dadka Oromada ah ee u safraya dalka Itoobiya oo aanu wax ka weydiinay waxa sababay in ay hadda dib ugu qulqulaan dalkooda waxay sheegeen in ay hadda dalkoodii xoriyad iyo shaqaba ka heli karaan maada oo maamulka ugu sarreeya ee dalka Itoobiya hadda qabsaday nin ka soo jeeda qoomiyada Oromada.

Ugu danbeyntiina dhawaan ahay ahayd markii raysal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya loo doortay Dr, Abiy Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qoomiyada Oromada oo la tilmaamo in ay yihiin dadka ugu badan ee dalkaasi degga.

Abiy Axmed oo khudbad ka hor akhriyey baarlamaanka dalkaasi waxa uu sheegay in xiisadaha iyo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya uu wax wayn ka qabo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS